Ruushka oo xukun bahdil ah ku ridey DIBLOMAASI Maraykan ah oo ay qabteen (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Diblamaasi hore oo Maraykan ah oo dalka ruushka ugu xirnaa eedoo loo haysto oo ah inuu xashiishad dalkaa soo gelinayey oo lagu khasbi doonaa inuu qabto shaqo adag isagoo xabsi kula jira dembiilayaal halis ah oo bilaa arxan ah.

Marc Fogel, oo horay macallin uga ahaa iskuulka Anglo-American School ee ku yaalla magaalada Moscow kaasoo uu sanadkii ka qaadanayey $34,000 oo Doollar, waxaa se haatan loo wareejiyey xabsi cusub digniin la’aan, qoyskiisuna ma oga halka uu joogo.

Mr Fogel, 61, ayaa lagu xirey dalkaasi tan iyo markii lagu qabtay gegada magaalada Moscow ee Sheremetyevo Airport bishii Agoosto ee sanadkii tegey, kaddib markii ay saraakiishu boorsadiisa ka heleen 17g oo ah xashiish dawo ahaan loo adeegsado (medical marijuana) oo boorsadayar ee ookiyaalaha kusii dhex jirta,

Fogel oo ka shaqayn jirey Safaaradda Maraykanka ee Moscow kahor intaanu iskuulka u wareegin, ayaa wajahaya xeerarka maxaabiista Ruushka ee adag min laga bilaabo inaad qofka eegto ilaa sida aad u isticmaalayso musqusha qolka dhexdiisa ku taalla.

Dhanka qubayska Mr Fogel ayaan heli kari doonin tas-hiilaad mayritaan oo gaar ah waana inuu musqul la wadaagaa ilaa 50 nin oo kale.

Hadalsame Media