Ninkii dunida “ugu wasakhda badnaa” oo geeriyoodey & Sababta uu qubayska u diidi jirey + Sawirro

0

(Fars) 25 Okt 2022 – Nin u dhashay dalka Iran oo lagu naanaysi jirey “Ninka ugu wasakhda badan adduunka” oo aan muddo tobannaan sano ah qubaysan ayaa dhintay isagoo 94 jir ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasi.

Amou Haji, oo aan mayranin in ka badan nus qarni, isla markaana ahaa doob, ayaa Axaddii ku geeriyoodey tuulada Dejgah ee gobolka koonfurta dhaca ee Fars, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee IRNA Talaadadan.

Xaaji waxa uu ka fogaan jirey in uu qubaysto cabsi uu ka qabo in uu “xanuunsado” dartii, ayay wakaaladdu kasoo xigatay sarkaal maxalli ah oo u warramay.

Laakiin “markii ugu horreeysey dhowr bilood kahor, ayay dadka tuuladu waxay geeyeen musqul qubays si ay ugu mayraan,” sida ay IRNA werinayso.

Ninkan ayaa filim dhokumenteri ah oo gaaban oo uu cinwaankiisu yahay “Noloshii qariibka ahayd ee Amou Haji” ayaa laga sameeyey noloshiisa 2013-kii, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

 

Hadalsame Media