MW Jarmanka oo dhufays-dhuleed lagula cararay kaddib markii uu Ruushku….

0

(Kyiv) 25 Okt 2022 – Madaxwaynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa ku khasbanaaday inuu wax ka badan saacad ku qaato dhufays-dhuleed bamka laga galo oo dhulka hoostiisa ah, sababtuna waa digniin xagga cirka ah oo soo dhacday, sida ay warbaahinta Jarmanka ee ARD ay sheegtay.

Weriye Rebecca Barth, ayaa Twitter-ka soo dhigtay sawirka Steinmeier iyo saraakiil kale oo qol yar la wadaagaya dad kale oo badan iyadoo laga baqayey weerar ka yimaada dhanka Ruushka.

Sida laga soo xigtey Anton Gerashchenko, oo ah La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine, qaylodhaanta digniinta ah ayaa kor loo qaaday mar uu Madaxwaynaha Jarmanku uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Chernigov ee woqooyiga Ukraine.

Sarkaalku wuxuu sheegay inay ahayd “tusaal aad u wanaagsan oo muujinaya sababta ay Ukraine ugu baahan tahay hababka difaaca hawada” sida ugu dhakhsaha badan.

Berlin waxay ballanqaaday inay Ukraine u diri doonto nidaamka difaaca hawada ee casriga ah ee Iris-T Ukraine bishii Juun ee lasoo dhaafay.

Yeelkeede, mid ka mid ah afartii hab ee la ballanqaaday ayaa ilaa hadda la keenay. Isniintii, RW Olaf Scholz ayaa wuxuu wacad ku maray inuu saddexda haray sida ugu dhaqsaha badan u gaarsiin doono nidaamka Kiev.

 

Hadalsame Media