Muuqaal cusub oo muujinaya cidda amartay in shirkii Xisbiga Shuuciga laga jiido MW hore ee Shiinaha (Daawo)

0

(Beijing) 25 Okt 2022 – Madaxwaynihii hore ee Shiinaha ee Hu Jintao ayaa la arkay isagoo laga saarayo shirwaynaha  amniga ee Xidbiga Shuuciga ah ee Shiinaha xilli uu MW Xi Jinping uu sii wado inuu awoodiisa muujiyo.

Laba nin oo ilaalo ah ayaa odayga 79-jirka ah ka saaray goobta isagoo u muuqdey mid ku yara jahawareersan sababta shirka looga saaray.

Si kasta warbaahintu xitaa sababta weli ma garanayso, laakiin waxa lagu xamanayaa inuu xiriir aan wanaagsanayn la leeyahay MW Xi.

Xisbiga Shuuciga oo kaddib qoraal kooban oo uu af Ingiriisi ku faafiyey arrinta ku sharraxay ayaa ku gaabsaday in Md Jintao uu jirranaa oo sidaa shirka looga saaray.

Yeelkeede, muuqaal haatan soo baxay ayaa muujinaya wixii dhacay min bilow ilaa dhammaad, waxaana la arkayaa in MW Jinping uu yahay ninka amray in qaacada si qoor qabad ah looga saaro MW hore, marka la eego qaabka ay ilaaladu gacantiisa u jiidayeen.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media