”Intan ka badan uma sii adkaysan karo” – Paul Pogba oo ka hadlay xaalad murugo badan oo haysata

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Sida laga soo xigtey warqaadka Le Journal du Dimanche, Paul Pogba, wuxuu saaxiib uu aamin tahay ku sir qarsaday inuu damacsan yahay inuu ka fariisto kubadda cagta

“Ma doonayo inaan sii ciyaaro kubada cagta, waxaan rabaa inaan gebi ahaanba dhuunto.” Ayaa laga sheegay Pogba.

Wax walba waxaa u sabab ah duruufaha uu xiddiga khadka dhexe ee Faransiisku la kulmayey bilihii hore:

Laga soo bilaabo afduubkii yaraa ee uu la kulmay, ilaa codsi madax furasho ah oo 13 milyan oo Yuuro ah, oo keenay xarigga walaalkiis Mathias.

Pogba oo xagaagan uun dib ugu soo laabtay Juventus oo uu markii 2-aad kaga soo biiray dhanka Man United, ayaan weli u safan hal kulan oo rasmi ah dhaawac dartii, welina ma kala cadda xaalkiisa guud.

Hadalsame Media