Sax ma tahay in MADAX qof laga soo gooyey baraha bulshada lasoo geliyo?

0

(Hadalsame) 24 Okt 2022 – Waxaa jira guluf socda oo kooxda Shabaabka lagu dirirayo, iyadoo ay dagaalladii ugu dambeeyey ay aad ugu xoogganaayeen gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Sh. Dhexe.

Ha yeeshee, waxaa jira waxyaabo dagaalka ka dhan ah oo aan waafaqsanayn diinta Islaamka oo ay ku kacaan kooxaha dagaallamaya waxaana nasiib darro ka mid ah isla kooxda Shabaab oo dad rayid ah laysa, ceelal aasta ama sumaysa, magaalooyin rayid joogo go’doomisa iwm, waxayna iyagu aad ugu sii ceebaysan yihiin arrintan maadaama ay diin sheeganayaan.

Waxaa haatan bilaabatay in abaalmarinno la dul dhigo madaxyadooda iyadoo lacago badan lagu bixinayo waxayna taasi keenaysaa in madaxyo la keeno balse maadaama lacag la bixinayo dadkuna aysan sidaa usii daacadnimo iyo anshax badnayn, waxaa xitaa dhici karta in la dilo qof aan xitaa Shabaab ahayn.

Tan kasii darani waa in baraha bulshada lasoo gelinayo madax qof oo la leeyahay waa Al Shabaab oo la lalminayo. Arrintaasi sina uma waafaqsana dhaqanka suubban ee diinta Islaamka, qofkuna marka uu dhinto waa in la aasaa.

Waxaa dheer, in baraha bulshada ay adeegsanayaan ilmo yar yar, haween uur leh, dad waayeel ah oo cudurro casabi ah qaba, dad si kale u nugul IWM, mana aha in quluubta ummadda bahalnimo lasii geliyo iyadoo haatanba qadyaan laga taagan yahay naxariis darrada laga dhaxlay dagaallada daba dheeraaday taasoo dishey damiirkii ummadda.

Xaafado ka tirsan magaalooyinka Somalia waxaa laga soo sheegayaa weerarro ay isu gaysanayaan dhallinyarada oo arxan darro ah, waxaana in badan u sabab ah waxa ka socda bay’ada sumaysan ee ku hareeraysan, marka in madax go’an la wareejiyo wax wayn dagaalka ka tari mayse, waxay jeedinaysaa askarigii dagaallami lahaa waxayna jebinaysaa quluubta dadka caadiga ah.

Mar kasta iyo wax kasta oo la falayo waa in aan ixsaanka, qiyamka iyo samaha laga tegin.

Tifaftirka

Hadalsame Media