Britain oo qarka u saaran inay yeelato RW ugu horreeyey ee Hinduu ah (Abaalka uu sheeganayo?)

0

(Hadalsame) 24 Okt 2022 – Rishi Sunak ayaa u muuqda mid ku dhowaad la hubo in loo magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain – iyo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Hinduu ah, weliba waqtiga Diwali oo ciid u ah Hinduuga – kaddib sannad aan caadi ahayn oo ay qaaquullo badani ka dhacday Westminster taasoo saamaysay isaga shakhsi ahaan.

Waxay ahayd iska casilaaddiisii ​​​​xukuumadda iyadoo uu weheliyey Sajid Javid 5-tii Luulyo tan kicisay dhul-gariirkii siyaasadeed’ – kaas oo ku dhowaad ​​​​60 wasiirro Conservative ihi ay ku raaceen muddo 40-saacadood ah oo waalli ah – waana tii ugu dambayntii soo afjartay waayihii ay fadeexaddu haraysay ee RW hore ee Boris Johnson.

With Mr Johnson forced out, his former chancellor, 42, initially found himself leading the parliamentary leg of the contest to replace him but swiftly fell behind foreign secretary (and eventual winner) Liz Truss as soon as it became a straight two-horse race.

Markii Md Johnson lagu khasbay inuu baxo, waxaa ninkan oo 42 jir ah, markii hore loo arkay inuu safka hore ka hoggaaminayo dadka bedelaya Johnson, balse markii ay iskusoo hareen isaga iyo Xoghayihii Arrimaha Dibedda (ee ugu dambayntii ku guulaysatey) ee Liz Truss ayaa laga hormaray, balse iyaduna waa is casishey 6 todobaad kaddib.

Laakin xubinaha Xisbiga Conservative Party taas kama iibsan, iyaga oo door biday ballanqaadkii Marwo Truss ee uu ku andacoonaysey inay tahay qofka ku habboon inay dib u soo nooleeyso dhaqaalaha buka ee Britain, waloow uu Sunak oo dhaqaaleyahan ah islamarkaana laba sano iyo bar ahaa Wasiirka Maaliyaddu uu uga habboonaa.

Hadalsame Media