”Maraykanku toos ayuu dagaalka Ukraine usoo geli karaa” – Madaxii hore ee CIA oo kashifay qorshe socda

0

(Washington, DC) 23 Okt 2022 – Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa laga yaabaa inay si toos ah u soo farageliyaan dagaalka socda ee u dhexeeya Moscow iyo Kiev, xitaa haddii aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan dalalka xubnaha ka ah NATO, sida uu sheegay Jeneraalka howlgabka ah ee Ciidamada Maraykanka David Petraeus oo la hadlay todobaadlaha Faransiiska ah ee L’Express.

Washington ayaa waxaa laga yaabaa inay samaysato isbahaysi cusub oo rabitaan ku dhisan oo ay xaaladdan oo kale oo ay u isticmaasho halkii ay ka adeegsan lahayd NATO, ayuu Petraeus, oo sidoo kale si kooban ugu soo shaqeeyey agaasimaha CIA, hadda aaminsan yahay.

Ruushku wuxuu ku dhaqaaqi karaa tillaabooyin “naxdin iyo argagax leh” taasoo keeni karta jawaab ka timaada Maraykanka iyo quruumaha kale, ayuu sheegay, isaga oo raaciyey “inay si uun uga falcelin karaan, laakiin waa xoogag caalami ah oo uu hoggaamiyo Maraykanka e ma ah ciidan NATO ah.”

Isbahaysiga millateriga ee NATO waxay u badan tahay inuu weli kusii taagnaado qodobka 5-aad oo dhigaya in, tusaale ahaan, haddii mid ka mid ah xubnahooda la weeraro, guud ahaan la weeraray.

Petraeus ayaa sidoo kale sheegay in Moscow aysan danaynaynin in ay sii huriso colaadda Ukraine maadaama ay taasi dagaalka u rogi karto mid caalami ah.

Hadalsame Media