Shirkadda Coastline Exploration oo kashiftay sida ay ku heshay in markale loo saxiixo heshiiskii horay loo diidey

0

(Hadalsame) 22 Okt 2022 – Shirkadda dhowaangalka ah ee Coastline Exploration ayaa tafaasiil ka bixisay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho, ee ay la saxiixatay DF Somalia oo sheegtay in dib u habayn lagu sameeyey heshiiskan oo horay muran u dhaliyey xilligii Xukuumaddii hore kaddib markii uu saxiixay Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirashiid.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa kashiftay inay lacag dhan 7 milyan oo Doollar ku bixisay heshiiskan taasoo ay ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, balse ma sheegin halka ay lacagtaasi kasoo gasho heshiiska iyadoo ku gaabsatay inay ku dhacday ”taageero” ay ka heleen MW Somalia, sida ay sheegeen.

“Anagoo taageero ka helayna MW Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 milyan oo Doollar oo la xiriirta saxiixa heshiiska,” ayaa ku dhigan bayaan kasoo baxay shirkadda iyadoo aan la sharrixin sida lacagtan loo adeegsanayo.

Waxay sidoo kale heshiiskan taageeray Ra’iisul Wasaare Xigeenka, ahna Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ay weheliyaan masuuliyiin kale.

“Waxaan dib u eegid ku samaynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo ee 2022-kii, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada uu heshiisku ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah usoo jeediyey. Wax ka beddelka lagu sameeyey heshiisyada ayaa gaaraya illaa shan qodob.” Ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sida la fahamsan yahay shirkaddani ma aha mid diiwaan  fog ku jirta sidoo kalena ma aha mid iyadu wax sahmisa, balse waxay u shaqayn doontaa qaab dallaal iyadoo madax furasho u haysan doonta khayraadka dalka, halka madaxda Soomaalidu ay kaliya eeganayaan dhowrkan milyan ee ay ku qaadanayaan qaabka musuqa ah.

Marka aad eegto bogga shirkaddan oo deggan magaalada Houston ee caasimadda Gobolka Texas ee dalka Maraykanka, waxaa markiiba soo boodaysa Somalia maadaama shirkaddaba loo sameeyey in lagu dallaalo shidaalka Somalia.

Hadalsame Media