RW UK oo loosoo jeediyey inay ka tanaasusho gunno u waajibaysa maadaama aysan muddo dheer xil haynin

0

(London) 22 Okt 2022 – Siyaasiga Xisbiga Shaqaalaha ee Keir Starmer ayaa ka dalbaday RW is casishey ee Liz Truss inay iska diiddo lacag u waajibaysa oo dhan £115,000 sanadkii oo ay dalban karto inta ay nooshahay – maadaama ay xafiista joogtey 44 maalmood oo qura.

47-sano jirkan ayaa waxa ay xaq u leedahay gunnada sannadlaha ah ilaa ay ka dhimato, in kasta oo ay ahayd Ra’iisal Wasaarihii ugu taariikhda gaabnaa dalka Britain marka dib loo eego.

Si gooni ah waxay sidoo kale qaadan doontaa lacag dhan £18,860 oo gini si ay uga tagto xafiiska – taasoo laba laab ka ah £9,094 oo gini ee ay dhab ahaantii qaadanaysey intii ay shaqada ku jirtey.

Ha yeeshee, waxay waayi doontaa gunnada howlgabka gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha oo kala bar ka ah mushaharkiisa, maadaama qorshahaa la joojiyey 2013-kii.

Xafiiska Gunnada Kharashka Waajibaadka Dadwaynaha ayaa bixiya kharashka xafiiska ee lagama maarmaanka u ah RW-yaashii hore.

Saraakiisha Dowladda UK ayaa u xaqiijiyey wargayska Mirror in aysan jirin xilli u go’an in Ra’iisul Wasaarayaashu ay lacagtan u qalmaan, taasoo ka dhigan in Truss ay xaq u leedahay.

Hadalsame Media