“Wuxuu isku xirey shaqadii aan doonayey iyo JIRKAYGA!” – Waaqica gabar dhibaato kala kulantay inay ku shaqayso wixii ay baratay

0

(Hadalsame) 21 Okt 2021 – Mas’uul aan damiir lahayn, Alle ka baqayn, dadkana ka xishooneyn!

Sumaya waa gabar wax ka barata jaamacad ka mid jaamacaddaha magaalada Muqdisho, waxaanna u socda sanadkii koowaad iyadoo bararata culuumta la xuriirta caafimaadka.

Sumaya waxey ka dhalatay reer danyar ah oo aan awoodin iney bixiyaan qarashaadka iyo dhaqaalaha waxbarashadeeda. Sumaya aabbaheed waa waayeel jirroole ah oo qaba xanuunada lala noolaado ee daweyn caafimaad oo joogta ah u baahan iyada ayaanna u weyn carruurtiisa, sidaas awgeed waxaa lama huraan noqotay in ay Sumaya soo shaqeeyso iyada oo waqtigeeda u kala qaybineysa shaqo iyo waxbarasho, si ay qayb uga qaadato nolosha qosyka.

Sumaya waxaa hareeyey culayso waayuhu sameeyeen oo duruufahooda wata waxa ayna la harjadeysaa nolosha, waayo aadanuhu mid walba waayo gaar ah ayuu la noolyahay.

Sumaya ma heysato cid kale oo ay la ciirsato culaabtaas. Marar badan ayey aragtay shaqooyin ay si wanaagsan u gudan karto waajibaadkooda, balse shuruudeysan oo inta badan sharuudahoodu isku ekaayeen, haddeyba isku mid aheyn. Waa shuruudo Sumaya ku noqday WADNO-QABAD iyo NIYAD-JAB, heer ay ku dhawaatay iney ka quusato iney shaqo danbe raadiso.

Waxaan hubaa inaad is wediineysaan waxa ay ahaaheen shuruudahaas? Aan toos u abbaaree waa shuruuddo aan ku jirin xeerarka shaqada iyo shaqaalaha, kuwa islaamka, dhaqanka iyo dhammaan kuwa aadanaha diin kasta ha ku saleeynaadeene.

Sida caadiga heshiisyada shaqo qofka shaqada la siinayo waxaa looga badashaa saacado wakhtigiisa, xooggiisa iyo maskaxdiisa iyo hibooyinkiisa ka mid ah, tan Sumaya marar badan lagu xujeeyayse waxey aheyd SHAQADA AAN KU SIIYEE JIRKAADA MA KU BADALANEYSAA.

Sumaya oo ah gabar guri reer tabareed kusoo kortay, laakiin tarbiyad iyo dhaqan fiican ka jiro, wey iska diidday iney dullinimo, gunnimo iyo bahdilaad qaadato si ay shaqadi ay dooneysay u hesho.

Laba bilood ka hor ayey Sumaya heshay shaqo ay ku faraxday oo aan markii hore lagu xirin sidii kuwii hore shuruud qallafsan oo islaanimada ka fog, wax ayna ka shaqo bilaawday xafiis ka mid ah xafiisyada ku teeydsan waddada weyn ee Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Aniga Sumaya waxaan ku bartay xaafiiskaas waxaanna u noqday macmiil. Kalsooni badan oo na dhexmartay kaddib Sumaya waxey ku dhiiratey iney si koban iiga sheekeyso dhibaatooyinka iyada qabsaday ama heysta, suurtagalna ay tahay iney la nool yihiin kumannaan gabdhood oo asaageed ah oo soomaaliyeed.

Shalay oo aan tagey xaafiiska ay ka shaqeyso Sumaya waxaan wajigeeda ka dareemay iney murugeysan tahay isla markaasna ay walwalsan tahay.

Waxaan ka codsaday Sumaya inaan isugu nimaadno Java Cafetery marka ay shaqada soo dhameeyso si aan ugu yaraan ula qeybsado murgada heysata haddii aanan xitaa waxba ka qaban . Waxaan abbaarihii 5:15 galabnimo isugu nimid halkii aan ku ballannay……

La soco qaybta 2-aad…..

W; Q: Cusmaan Qanyare

Hadalsame Media