Imisa dal oo Afrikaan ah ayaa lacagohooda daabacda? (Somalia maku jirtaa liiska?)

0

(Hadalsame) 21 Okt 2022 – Qaaradda Afrika ayaa inta badan xorriyadda qaadatay sanadihii 1960meeyadii oo lagu naanayso “sanadihii xorriyadda Afrika.”

Ha yeeshee, Afrika ayaan wax horumar ah oo sidaa u ridan samaynin iyadoo in badani ayba haatan nidaam iyo ammaan ahaan ka liitaan meeshii ay joogeen maalintii xorriyadda la siiyey sida dalkeenna Somalia oo lacag rasmi ahba aan daabacan 30 iyo dhowr sano, abidna aan awood u yeelan inay iyadu farsamo ahaan daabacato.

Dalalkii uu Faransiisku gumaystey ee haatan 100% rasmiyan u adeegsada afkiisa (Francophone) taasoo ay sabab u tahay inaan la siinin xorriyad buuxda, ayaa meelo badan weli si rasmi ah u hoos taga Paris.

Haddaba, si aad u garato sida ay u dib dhacday qaaradda Afrika waxaad ka garan kartaa sida uu u gaaban yahay liiska dalalka Afrika ee awoodda u leh inay lacagohooda daabacdaan.

Haddii aan ku noqonno dalalka uu Faransiiska, oo lagu sheego dalka ugu gunsan gumaysiga reer Yurub, waxaa liiskan uga jira Aljeeriya iyo Marooko oo qura.

Halkan ka aqriso liiska dalalka lacagohooda daabacda ee Afrika oo 9 dal uun ah marka loo eego 54 dal oo Afrikaan ah:

1) Algeria 🇩🇿
2) Egypt 🇪🇬
3) Morocco 🇲🇦
4) Nigeria 🇳🇬
5) Kenya 🇰🇪
6) South Africa 🇿🇦
7) Sudan 🇸🇩
8) Zimbabwe 🇿🇼
9) DRC 🇨🇩

Hadalsame Media

Facebook Comments