Xulkii ugu horreeyey ee shisheeye ah oo Muqdisho imanaya 33 sano kaddib

0

(Hadalsame) 17 Okt 2022 – Xulka Qaranka U17 ayaa guulo heer qaran ah oo lagu faani karo soo hooyey.

Waxay ka badiyeen Xulka South Sudan oo ay isla soo wada gaareen dhammaadka Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay 3-1 xarrago leh uga adkaadeen.

Xulka Junyarka 17-jirka ah ayaa  maanta lagu soo dhoweeyey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Haatan Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa shaaciyey in Soomaaliya iyo Suudanta Koonfureed ay kulan is kululays ah ku wada ciyaari doonaan Garoonka Istaadiyo Muqdisho.

Hadalsame Media