Hindiya oo samaynaysa Aake nooc cusub ah iyo goorta la bilaabayo

0

(New Delhi) 17 Okt 2022 – Dalka Hindiya ayaa soo saarista qoryaha dufcadda cusub ee Kalashnikov AK-203 ee Ruushka bilaabaya sida laga yaabo kahor dhammaadka sanadkan 2022, sida uu sheegay sarkaal sare oo Ruush ah.

Wershad ku taal magaalada Korwa ee gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa diyaar u ah in ay bilowdo soo saarista AK-203 ee cusub kahor 2023, sida uu sheegay Aleksandr Mikheev, madaxa shirkadda Rosoboronexport, ee wakaaladda dowladda Ruushka ee ganacsiga hubka caalamiga ah.

“Waxaan qorshaynaynaa 100% inaan maxalli ahaan Hindiya ugu soo saarno qoryaha caanka ah ee Ruushka. Mustaqbalka waxaan isla samaynaynaa noocyada ugu dambeeya Kalashnikov.” ayay wakaaladdu ka soo xigatey madaxeeda oo goor dhow hadlay.

New Delhi iyo Moscow ayaa waxay abuureen shirkad wadaag ah bishii Diseembar ee sannadkii hore.

Qandaraaska, oo lagu qiyaasay ilaa $620 milyan oo Doollar, ayaa waxaa ku jirta soo saarista in ka badan 600,000 oo AK-203 ah oo lagu sancaynayo dhulka Hindiya, sida uu qoray wargayska Hindustan Times.

AK-203 waa qayb ka mid ah ‘taxanaha 200’ ee qoriga caanka ah ee Kalashnikov, kaas oo ay ku jiraan dhowr nooc oo leh maraarayaal iyo muuqaallo kala geddisan, sida qaar bambooyinka tuura.

Hadalsame Media