”Waan ku shahiidaynaa!” – Amiir ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga oo ku baaqay Jihaad ka dhan ah Galbeedka (Daawo)

0

(Riyaad) 16 Okt 2022 – Nin ay ilmo adeer yihiin Dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan ayaa soo saaray hanjabaad gacan ka hadal ku dhisan oo ka dhan ah reer Galbeedka xilli uu xumaaday xiriirka kala dhexeeya Sucuudiga kaddib go’aankii OPEC+ ee lagu dhimay wax soo saarka saliidda oo ay Galbeedku ku micneeyeen hiillo loo sameeyey Ruushka.

Fariinta oo uu reer Galbeedka u diray, Amiir Sacuud al-Shaalan ayaa wareegaya baraha bulshada isagoo leh “qof kasta oo caqabad ku ah jiritaanka boqortooyadan, waxaan dhammaanteen la gelaynaa jihaad oo waan ku shahiidaynaa”. Amiirka ayaa la maqlayaa isagoo ku gooddinaya Ingiriis iyo Faransiis.

Sacuud al-Shaalan waa hoggaamiye qabiil oo uu awoowe u yahay Boqor Cabdulcasiis, aasaasihii Sucuudiga, sida uu sheegay u doodaha xuquuqda aadanaha Sucuudiga Abdullah Alaoudh.

Si kastaba ha ahaatee, u ololeeyaha Sucuudiga Cali Shihaabi ayaa sheegay in amiirku uu ka tirsan yahay boqortooyada balse aanu haynin xil rasmi ah, sidaa darteed uu iska hadlay uun.

“Waa shakhsi gaar ah oo sameeyey hadal gaar ah oo aan shaqo ku lahayn dowladda Sucuudiga,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Hadalsame Media