”Lagama fursan doono inaan Taiwan xoog ku qabsanno” – MW Shiinaha oo digniin kasoo saaray shirka Xisbiga Shuuciga ah

0

(Beijing) 16 Okt 2022 – Madaxwaynaha Shiinaha ee Xi Jinping ayaa maanta furay shirwaynaha 20-aad ee Xisbiga Shuuciga ah ee haya talada dalka Shiinaha isagoo ka digey in uu awood u adeegsan karo dib u qabsashada Taiwan si kululna u weeraray faragelinta shisheeye ee dadaallada dib u midaynta.

Md Xi si wayn loo filayaa in uu ku guulaysto muddo-xileedkii saddexaad ee hoggaaminta dalkaasi, islamarkaana uu noqdo hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa waddanka Shiinaha tan iyo waayihii Mao Zedong.

Shirkan oo ay ka qaybgelayaan ku dhowaad ​​2,300 oo ergo oo ka kala yimid daafaha dalkaasi ayaa ka bilowday Hoolka wayn ee Dadka ee ku yaalla dhanka galbeed ee fagaaraha Tiananmen iyadoo amaanka aad loo adkeeyey iyadoo uu jawigu fiican yahay kaddib maalmo badan oo ay cayryaamo ka jirtey caasimada Shiinaha ee Beijing.

Xi ayaa bilaabay khudbad uu kaga hadlay ilaalinta amniga qaranka, ilaalinta xasilloonida bulshada, ilaalinta nolosha dadka iyo xakamaynta xaaladda Hong Kong, oo ay gilgileen mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda sannadkii 2019-kii.

Dhanka Taiwan, Xi wuxuu yiri, ‘Waxaan si naga go’an u qaadnay halgan wayn oo ka dhan ah gooni-u-goosadka iyo faragelinta, anagoo muujinayna awoodda aan u leenahay inaan ilaalinno madax-bannaanida dowladnimo iyo wadajirka dhuleed, kana soo horjeesanno madaxbannaanida Taiwan.’

Wufuudii meesha isugu timid ayaa sacab dheer ugu jawaabay Madaxwaynahooda oo ku nuuxnuuxsaday in Shiinuhu uusan marnaba ka gorgortami doonin in uu ka tanaasulo adeegsiga awood’ si ay ula midoobaan Taiwan, taasoo uu ku tilmaamay mid lama huraan ah.

Xi ayaa intaa ku daray in Shiinuhu uu dardargelin doono dhismaha ciidan heer caalami ah, islamarkaana ay taasi xoojin doonto awooddooda istiraatijiyadeed ee is difaac.

Hadalsame Media