Laba arrimood oo uu sameeyey Macallin Nuur Amiin & Mid uu xiriirku sameeyey oo guusha keentay

0

(Beijing) 16 Okt 2022 – Sida diiwaanka ka muuqata Somalia wax guul ciyaareed oo micne leh ma gaarin muddo 0 iyo dhowr sano ah nooc kasta oo ay tahayba.

Dhanka kubadda cagta oo ah ciyaarta ugu shacbiyadda badan waxaa sanadihii dambe natiijo xumada u dheeraa maamul xumo iyo musuq uu gacan wayn ku lahaa maamulkii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Somalia oo xitaa diidey inuu macallin Soomaali ah xulka u dhiibaan, iyagoo magacaabayey macallimiin aan micne badan lahayn.

1 – Midda ay Maamulka Xiriirka ee haatan howsha wada ay ugu yaraan ku guulaysteen waa inay xilka u dhiibeen macallin ku habboon oo sida ka muuqata xitaa muddo dheer ku haminayey inuu xilkan qabto balse lala ag marayey.

Macallin Nuur Amiin isaguna wuxuu ku guulaystey inuu saxo 2 arrimood oo kala ah:

1 – Inuu hayb ciyaareed u sameeyey Xulka oo tusaale ahaan ay leeyihiin qaab-ciyaareed isku xiran oo dhisi kara weerar wax ku ool ah islamarkaana is difaaci kara. Waxaa sidoo kale la dareemayey inay laacibiintu kubadda baasayeen xilliga ku habboon, waloow weli loo baahan yahay in arrintaa lasii hagaajiyo oo guusha kooxda laga horreeysiiyo goysmada iyo waxa uu samayn karo qofku kaligii, waloow goysmada marmar loo baahan yahay.

 2 – Dhanka macnawiyadda – Waxaa la dareemi karaa inuu xulku leeyahay niyad uu kula xaali karo ciyaarta, tusaale, waxay soo ciyaareen kulamo kala natiijo duwan, mid gool laga daba keenay balse ay badiyeen, mid ay gool qura difaacdeen iyo tan ugu daran oo ah inay la macaamileen cadaadiskii la socdey ciyaartii ay shalay badiyeen oo aan sahlanayn, gaar ahaan marka aan ka hadlayno xul da’yar oo aan abid waxba ku guulaysan caalamiyan.

Ugu dambayn, waxa hadda kaddib loo baahan yahay waa in guushan lagu dul dhiso xul adag, isla siyaasaddaana lagu wajaho xulalka kale sida xulka waawayn, iyadoo meesha laga saarayo musuqa iyo nin tooxsiga, tusaale, xiddiggii garoonka waxaa noqday laacib 2 sano kahor xitaa loo diidanaa inuu ciyaaro maxalli ah safto.

Dhaqamada yaqyaqsiga leh ee noocaas ah waa in la takooro. Nuur Amiin wuu ku mahadsan yahay inuu wiilkaa arkay islamarkaana uu fursadda uu istaahilo siiyey.

W; Q: Maxame Xaaji

Hadalsame Media