Laba arrimood oo dhib badan ummadda ku haysey oo meesha ka baxay sidii uu yimid MW Xasan Sheekh

0

(Hadalsame) 16 Okt 2022 – MW Xasan Sheekh ayaa markii 2-aad waayihiisa siyaasadeed loo doortay inuu noqdo MW Somalia, 15-kii Maajo ee horraantii sanadkan.

Haddaba, waloow ay jiraan dhaliilo iyo dulduleello badan oo loo jeedinayo MW Xasan gaar ahaan dhinacyada safarrada faraha badan ee aan micnaha badan xambaarsanayn iyo wajahaadda gulufka haatan socda oo ka daciifsan sidii loo baahnaa iyo habacsanaan ka muuqata doorka hoggaamineed ee DF ee dagaalka, misna waxaa jira  arrimood oo meesha ka baxay intii uu joogey Md Xasan oo dhaqan ahaan lagu tilmaamo nin astaamo odayeed iyo dabci deggan leh.

1 – Daraamihii siyaasadeed ee markii uu mid damaba mid kale ummadda loo daari jirey ee mararka qaar dalka gaarsiin jirey barta karka ayaa meesha ka baxay. Daraamayaashaasi waxay ahaayeen kuwo u eg kuwo qaabaysan oo ummadda lagu mashquulin jirey balse aan laga fikiri jirey dhibka ay keeni karaan.

2 – Dirarkii is hayey. Marka daraamahan dadka loo shido waxaa markiiba baraha bulshada ka bilaabmi jirey doodo ku dhisan qabyaalad oo ay dadna weerar aan jirin wadaan, qaarna ay difaac indha la’aan ah ku jiraan.

Waxaa todobaadyo xiriir ah socon jirey doodo qabyaaladaysan oo hilfaha la isu qaadayo taasoo aad u dili jirtey midnimada ummada, kuwaasina haatan aad bay hoos ugu dheceen.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media