Xulka Junyarka oo ay tahay inay hal arrin iska jiraan (Maxaan helaynaa haddaan badinno?)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2022 – YAAN LA DABBAALDEGIN XILLI HORE!

Xulka Qaranka U17 shaqo fiican ayay qabteen, guulo lagu faani karana way noo soo hooyeen laakiin ujeedka yuusan idin ka dhumin.

Waxa la ciyaarayo waa koob, yaysan xafladaha, dabaal degyada, fariimaha dhiiri gelinta, lakulanka madaxda Qaranka idin ilowsiinin in guuli weli tahay oo koobka uu idin kala dhexeeyo xul adinka camal guulo u oomman, kasoo badiyey xulkii naga badiyey ee Tanzania.

Haddii aad ku faanaysaan in aad gaarteen final-ka, si lamid ah xulkii idin ka horreeyey ayaa gaarey final-ka, waxa la idin ka rabo waa inaad wax ku dartaan oo aad koobka Aadan Cadde Airport kasoo dejisaan.

Waddooyinka Muqdisho dhex martaan adinka oo laamiyada dhinacyadiisa la idin taagan yahay oo sacab la idin tumayo oo xafladda dabaal deggana ay ka dhacdo Stadium Muqdisho, kulana dabaal degtaan kumanaan kun oo aan weligood koob ku hamin.

Inta ka horreeysa waa in diyaargarowgiinu ahaado 90-ka daqiiqo ee final-ka, cadaadis aydaan isa saarin, dhagaysataan talada macallimiinta misana dadaalkiinii ka miro dhalisaan.

Nasiib wacan, Forza Somalia!

FG: Maadaama uu tartankani isreebreeb yahay xulkii galabta koobka qaada ayaa Bariga iyo Bartamaha Afrika ku meteli doonto Koobka TotalEnergies U-17 AFCON 2023 oo ay martigelineyso Algeria.

W; D: Ibraahim Xasan (Ibroos)

Hadalsame Media