Waxay u tagtay hooyadeed iyadoo doonaysa inay ninkeeda sumayso (Waxay kula talisay inay 5 arrimood ka hormariso)

0

(Hadalsame) 15 Okt 2022 – Hablaha mid baan leeyahay. Beri ayaa gabadh qurux badan ay ku daashay nolosheeda guurka, waxayna damacday inay disho ninkeeda.

Subax aroortii ayay u soo carartay hooyadeed, waxayna ku tidhi “hooyo ninkeyga waan ka daalay, lama sii noolaan karo, mana sii wadi karo in aan dhegaysto hadalladiisa aan waxba ka jirin, waxa aan rabaa inaan dilo, laakiin waxa aan ka baqayaa sharciga dalka, fadlan iga caawi hooyo?”

Hooyadii ayaa ugu jawaabtay “Haa gabadhayda, waan ku caawin karaa, laakiin, hawl yar ayaa ku lifaaqan shaqda!”

Gabadhii ayaa weydiisay “waa maxay hawshu? diyaar ayaan u ahay in aan qabto hawl kasta oo iiga xidhan dilka ninkayga!”

Waayahay, ayay tidhi hooyadii iyadoo soo jeedisey inay hortan shantan qodob samayso:

1. Waa in aad marka hore ula dhaqanto si nabad ah, si aan ninna kuugu tuhmin markuu dhinto.

2. Waa in aad isu qurxiso si aad ugu ekaato qof dhallinyaro ah oo soo jiidasho leh.

3. Waa in aad si wanaagsan u daryeeshaa oo aad u noqotaa mid aad u wanaagsan oo u mahadnaqda isaga.

4. Waa in aad samir badan tahay, xaasidnimo yar tahay, dhegaysiga badi, oo ixtiraam iyo adeecid badan la imow.

5. Codkaaga kor ha u qaadin ee ku dhiirrigeli nabadda iyo jacaylka si aan waligaa laguugu tuhmin dilka ninkaga.

Ma samayn kartaa waxaas oo dhan?” Hooyadii ayaa weydiisay. “Haa waan awooddaa.” ayay ugu jawaabtay gabadhiina. “Waayahay, ayay tidhi hooyadiina. Qaado budadan oo mar walba ugu dar cuntada, si tartiib tartiib ah ayay u dili doontaa!”

30 maalmood kaddib ayay islaantii u soo noqotay hooyadeed oo ku tidhi. “Hooyo, ma doonayo in aan dilo ninkeyga. Ma garanayo, se hadda aad baan u jeclahay isaga sababtoo ah gabi ahaanba wuu isbeddelay, hadda waa nin aad u macaan, oo gabi ahaanba ka duwan ninkii hore. Maxaan ku sameeyaa suntan aan mar walba cunnada ugu daro? Fadlan i caawi hooyo!”

Hooyadii waxay ugu jawaabtay; “Ha welwelin gabadhaydii. Waxa aan ku siiyay maalinkii dhawayd waxa uu ahaa Tumeric Powder. Waxba ma dilo. Xaqiiqdii, adiga ayaa ahaa sunta si tartiib tartiib ah u dili jirtay ninkeeda.

Hooyo, raggu run ahaantii shar ma aha, laakiin habka aynu ula xidhiidhno iyaga ayaa go’aamiya jawaabahooda iyo dareenkooda ku aadan annaga. Haddii aad u muujiso ixtiraam, jacayl, daryeel iyo daacadnimo wuxuu kuu noqon doonaa ninka aad rabto!”

FG: Waa dhif iyo naadir soddoh xigmaddan oo kale siisa gabadheeda, oo badanka waa cagsiga, se hablow xigmaddan cibraa idiin ku sugan. Sideedana si walba oo ninku u qallafsan yahay, ama sagagar duli ah u yahay, haddana dhagax ma aha; waa noole isna isbeddeli kara, la na beddeli karo. Marar badan se, suntu waa ADIGA, ee ma aha ninka.

W; D: Axmed A. Qaydare

Hadalsame Media