MW Ukraine runtii ma joogaa dalkaas mise wuxuu adeegsadaa 3D Hologram? Muuqaal yaab leh oo lasoo bandhigay (Daawo)

0
Screenshot

(Kyiv) 14 Okt 2022 – Telegram-ka, oo ah warbaahin taageerta Dowladda Ruushka iyo kanaallo kale oo pro-Kremlin ah, ayaa faafiyey muuqaal muujinaya MW Zelensky oo hor taagan shaashad cagaaran oo ay ku wareegsan yihiin kaamarooyinka lagu sameeyo muuqaallada hologram-ka oo qofka muuqaalkiisa oo dhaqdhaqaaqaya islamarkaana hadlaya la gaynayo meel uusan joogin.

Mid ka mid ah qoraallada Telegram ayaa lagu yiri: “Tani waa beenta ah ee reer Galbeedka, ama sida dadka Ukraine loogu beddelayo lo’ kawaanka loo kaxaynayo. Xusuusnow dhammaan fiidiyowyada doqonkan ee dadwaynaha la tusayo waa noocane fahma, dadka reer Ukraine. ”

“Hollywood ayaa ka caawinaya. Waxaa la adeegsanayaa tignoolajiyaddan si ay wax kasta ugu muuqdaan kuwo run ah; dacaayad cajiib ah. Anagu nafteennu beentan uma aan samayn karneen si sidan ka wanaagsan.” ayay raaciyeen.

Waloow aan la aamini karin warka warbaahinta Ruushka, adeegsiga Hologram-ku ma aha mid ku cusub Zelensky oo adeegsadey Juun 2022, iyadoo lagu sawiray kaamarooyin 3D iyo shaashad cagaaran mar uu ka qaybgelayey Founders Forum 2022 oo London lagu qabtay.

Hadalsame Media