Hadal uu sheegay MW Xasan Sheekh oo saamayn xun ku yeeshay ganacsatada Soomaalida ee gobolka (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2022 – Dhawaan ayay ahayd markii laba jeer madaxwaynaha Soomaaliye Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Shabaabka Soomaaliya lacaga u diraan dagaalyahanno ka dagaalama Musambiik iyo wadama kale, mar waxaa uu joogay madaxwaynaha Turkiga mar kalena USA, hadalkaas madaxwaynaha waxay saamayn wayn ku yeelatay ganacsatada Soomaalida ee Musambiik.

Dhawaan safar uu ku maraayay madaxwaynaha Musambiik Filipe Nyusi gobolada ayaa waxaa uu fagaara ka sheegay in ganacsatada Soomaalida gaar ahaan kuwa ka shaqaysta shidaalka lacagtooda laga shaki qabo ayna yihiin argagaxiso in la baarana ay tahay arintaa oo dhibaato wayn u keentay waana markii uu hadlay madaxwyne Xasan Sheekh ka dib.

Dhanka kale markii madaxwaynaha Soomaaliya uu hadlay ka dib waxaa ku soo yaacay ganacsiyada Soomaalida nabad sugiddii, warbaahinta wadanka iyo booliskii ayagoo baaritaano ku sameeyay ganacsiyadoodii, waxaana jira dad wadanka laga soo celiyay kuwo la xiray oo aan laga war haynin ilaa hadda iyo guud ahaan in Soomaalida ay noqdeen dad yool ah.

Doodda dowladda Musambiik ayaa ah oo ganacsatada Soomaalida ku baacsanyso in ay leeyihiin madaxwaynihiina ayaa sheegay in dad Soomaaliya jooga lacago u soo diraan jabhadaha Musambiik ka dagaalama, Joornaalada ugu waawayn ayaana lagu soo qoray in Soomaaida ay yihiin argagaxiso oo madaxwaynahooda uu sheegay, waxayna dowladda Musambiik bilawday in dadka Soomaaliyeed fara hor leh iyo waliba indhaha laga qaado arintaa oo Soomaalida kaliya ku gaar tahay ayadoo wadanka ay joogaan ajaanib badan oo Soomaalida ka badan kana dhaqaala badan kana dhaqdhaqaaq badan, Soomaalida waxay ka shaqaystaan ganacsiyo kooban oo ay u haystaan shatiyo sida bagaashka, qalabka korontada ku shaqeeya, shidaalka, maqaayadaha ayaa ugu waawayn halka ajaanibta kale ka shaqaystaan wax soo saarka macaadinta qaaliga ah oo dhaqaale badan ka helaan oo malaayiin doolar ah.

Soomaalida joogta wadanka Musambiik oo aan ka badneen 2000 (laba kun) oo qof ayaa u qaybsama laba qaybood qayb waa ganacsato si sharci ah ku jooga qaybta kalena waa qaxooti haysta sharciga qaxootinimada wadankaa laga bixiyo, waxaa wadankaa jooga ajaanib fara badan oo Afrikaan u badan gaar ahaan wadamada galbeedka Afrika sida Labada Gini, Nigeria, Mali, IWM, kuwaa waa ganacsato waxaa kaloo jooga wadankaa qaxooti Koongo, Burundi iyo wadama kale, waxa hadda culeeska la saaray waa Soomaalida kaliya waxa culeeska gaarka ah loo saarayna waa hadalka uu jeediyay madaxwaynahooda waana arin argagax ku noqotay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Musambiik.

Aniga Musambiik waxaan booqday wax 5 jeer ka badan, dadka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Musambiikna waa dad aad u qiima badan oo aad uga qayb qaata mar walba Musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya, qaraxii Soobe waxay soo direen wafdi iyo lacag aad u fara badan, fatahaaddii Baladwayne na sidoo kale waxay soo direen wafdi iyo lacag wax wayn u tartay dadkii dhibka ku dhacay ee fatahaadda Baladwayne, mar walbo oo dalka abaar ka dhacda way ka qayb qaataan waa dad aad ay ugu wayntahay Soomaalinimada haba yaraatee aan wax dambiya ah aan ku lug lahayn luguna aqoon aadna u ixtiraamaan Booliska Musambiik, aniga safaro dhaadheer oo kun KM ka badan ayaan ku dhex maray Musambiik markay arkaan qofka Soomaaliga ah aad ayay u jecelyiin booliska una karaameeyaan sababtana waa dad aan lagu aqoon wax fal dambiyeedyo, daroogo IWM.

Runtii dadka jooga Musambiik ee Soomaalida waa dad aad u wanaagsan odayaal wax tar ahna ay hogaamiyaan, waxaa jira mashaariic fara badan oo masaajid iyo maraakis Islaami ah oo laga dhisaayay Kenya iyo jaaliyadda Yurub oo loogu tagay jaaliyadda Soomaalida ee Musambiik ayna si wayn uga qayb qaateen.

Waxaan filaayaa in hadalka madaxwaynaha uusan ula dan lahayn in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Musambiik uu ku dhibaateeyo laakiin waxaa muuqata in uu dhib ku noqday oo boqolaal ganacsato ah oo Soomaali ah ay hada qabaan walwal wayn wax kastana laga yeeli karo, marka waxaa haboon in dowladda Soomaaliya arintaa ay ka daba tagto dadkaa oo awalba dhibanaa laakiin ka helay wadankaa soo dhawayn iyo ganacsi in aan lagu dirin dadka ay la joogaan si loo banaysto naftooda iyo ganacsigooda, arintaana waxaa wax ka qaban kara waa dowladda Soomaaliyeed oo si diblumaasi ah u gasha.

W; Q: Sheekh Maxamed Aadan Waadi

Hadalsame Media