“Hal mid baan kaaga fadhinnaa” – Fal-celin ka timid hadal uu gabdhaha Nugaal ka yiri Wasiir Juxaa

0

(Hadalsame) 13 Okt 2022 – Mudane Wasiir Juxa waad noo geftey.

Aasaaskii Puntland waxa ay faa’iido u lahayd qof kasta, gobol kasta, degmo kasta iyo tuulo walba oo Puntland ah, in nidaam xisbiyo badan oo shacabku codkooda kusoo doortaan cidda hoggaaminaysana waxa ay faa’iido u tahay qof kasta oo reer Puntland ah.

Dhismihii Puntland waxaa lagu helay amni, waxbarasho, shaqo iyo nolol aysan helin dad badan oo Soomaaliyeed, walise saluugmo ka jirto.

Waxaa marar badan la yaab iyo amakaag ila noqota marka laga hadlayo nidaamkan xisbiyada badan iyo doorashooyinka Puntland, waxa isku xira in doorasho dhacdo iyo inay garoowe caasimad tahay.

Sax Garoowe waa caasimadda Puntland waxaa leh qof walba oo Puntlander ah, haddii ay weynaato, haddii ay horumarto iyo haddii ay dibu dhacdaba saamayn ayay ku yeelanaysaa reer Puntland.

Sidoo kale, qof walba oo reer Puntland ah ayaa xaq u leh in la doorto ama uu wax doorto ama gobolkuu doono haka yimaado, waana dastuuriyan, mase ogihaddii dastuurkii dabadey wax laga beddelay.

Garoowe iyo Nugaal halkeer ii dhig, waxaa nasiib xumo ah mudane, in siyaasadaha iyo fikirrada aad rag kale ku kala aragti duwantihiin aad caawa madal la wada fadhiyo ugu gaftid gabdhaha sharafta leh ee gobolka Nugaal.

Waxaannu kuu haynaa ixtiraam iyo garab istaag laakiin hadalkii caawa aad jeedisey ma ahayn mid qabta gabdhaha iyo gobolka Nugaalba, ama aannu kaa sugeyney!.

Waxaannu kaa sugeynaa oo kaaga fadhinaa raalligelin.

W; Q: Nasro Cabdirisaaq

Hadalsame Media