DF Somalia oo ka war heshay hay’ado xogaha hantida ma guurtada ah ee dadwaynaha u gudbiya Al Shabaab

0

(Hadalsame) 13 Okt 2022 – DF Somalia oo ka war heshay hay’ado xogaha hantida ma guurtada ah ee dadwaynaha u gudbiya Al Shabaab.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Dastuurka iyo Cadaaladda DF, waxay arrintani iyaga kusoo gaartey cabasho dadwayne ahaan taasoo ka dhan ah Nootaayooyin arrintan ku fooggan.

Waxay Wasaaraddu intaa raacisay in haatan la baarayo sida ay arrintani u qaabaysan tahay iyo kuwa ay yihiin Nootaatooyinka arrintan kala shaqeeya Shabaabka.

Wadaaradda ayaa dadwaynaha u sheegtay inay soo gudbiyaan cabashooyinka noocan oo kale ah.

Guud ahaan, Shabaabka ayaa marka ay helaan xogaha qofka la sheegay inay si baad ah lacag uga qaadaan qofka Nootaayadu gudbisey.

Hadalsame Media