Siyaasi falanqeeyey hal khasaaro & hal faa’iido oo ku jira xiritaanka Youtube-kii Xasan Daahir

0

(Hadalsame) 12 Okt 2022 – Sh. Xasan Daahir Aways oo horay u ahaa madaxdii ururkii Xisbul Islaam muddana ku jira xabsi guri ay gelisey DF Somalia kaddib markii uu naftiisa kala soo baxsaday kooxda Shabaab, ayaa laga xirey koontooyinkii uu ka adeegsan jirey baraha bulshada.

Dad badan ayaa arrintaa soo dhoweeyey maadaama uu Xasan Daahir waqtiyadii dambe u muuqdey nin si cad u taageeraya ficillada kooxda Al Shabaab ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa falanqeeyey sida uu u arko in xannibay degelladii uu Xasan dadwaynaha ka gaari jirey.

”Dareen isku dhafan ayaan ka qabaa in la xiro kannaalka YouTube-ka ee Daahir Aways. Dhinac, waxay aamusinaysaa codka dacaayad muuqata oo Shabaab ah,” ayuu ku bilaabay.

”Dhanka kale, waxa uu ahaa bandhigga caqli-xumada & doqonnimada fikirka xagjirka ah. Wuxuuna sii noqonayey nin aan miyir ahaan miisaannayn.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media