XOG: Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan abaabulka ay wadaan DF Somalia, ATMIS & Maamulka Hirshabeelle (Jab shalay la gaarsiiyey Al Shabaab)

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa furay xarumo cusub oo ay sheegeen in laga hagi doono duullaanka dalka looga xoreeynayo kooxda Al Shabaab oo xoogaystey kaddib markii ay kooxdani kordhisey tacadiyadii ay shacabka inta badan u gaysanaysey.

Tillaabadan ay qaadday ATMIS ayaa lagu sheegay mid sare loogu qaadayo isku-dubaridka, agaasinka iyo qorshaynta hawlgallada soo socda, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, oo ka hadlay in xarunta la hirgeliyey ay si wadajir ah ugu wada shaqayn doonaan ATMIS iyo DF Somalia.

Wasiir Xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, oo isla goobta isna ka hadlay ayaa tilmaamay in guulo laga gaarey howlgalladii ugu dambeeyey oo ay iska kaashanayeen ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, isagoo sheegay in howlgallo kale la qorshaynayo.

Dhanka kale, xogo cusub oo laga helayo khasaare xooggan oo kooxda Al Shabaab ka kulmeen dagaal ay Macawislayda kula galeen degaanka Jicibow, oo 30km dhanka woqooyi kaga beegan Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay ka dhinteen malliishiyo gaaraysa 100 qofood, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Shiine oo ah Guddoomiye Xigeeenka Maamulka iyo Maaraynta Degmada Buula-Burde, waloow ay warbaahinta maxalliga ihi sheegayso tiro ka badan 200.

Warbaahinta DF Somalia ayaa sheegtay in Ciidanka Qaranku ay sidoo kale caawinayeen Macawislayda islamarkaana ay hareereeyeen malliishiyada Shabaabka oo xilligaa ku sugnayd meel wabiga Shabeelle jiinkiisa ah oo ay doonayeen inay ka tallaabaan halkaa lagu laayey. 

Dhanka kale, Madaxwaynaha Maamul-goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada xeebta dhacda ee Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo xudun u noqotay abaabulka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degaannada ay ka heystaan gobolkaasi.

Waxaa intaa dheer in ciidan xoog leh ay ka bexeen gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan degaanada ay Al Shabaabku ka joogaan gobollada HirShabeelle iyo Galmudug, kuwaasoo saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaysaa ay sheegeen inay qorshaynayaan in maalmo gudahood lagu xoreeyo Muqdisho ilaa Xarardheere.

Hadalsame Media