Siyaasi ka digey arrin weecin karta hadafka wayn ee laga leeyahay dagaalka lagu qaaday Shabaab

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka digey cawaaqib xumada ay qabyaaladdu ku yeelan karto gulufka socda ee Shabaab lagu dirirayo.

“Maxaabiista Shabaabka ee la soo qabto iyagoo nool, haddii cajalad laga duubaayo, yaan la weydiin qabiilka ay yihiin,” ayuu yiri Waare.

“Shabaab qabiil ma leh, inaguna kuma jirno dagaal qabiil. Waa sida Shabaabku rabo inuu ku kiciyo cadifadda qabiilka. Waa fursadda keliya ee u hartay. Hala joojiyo!” Ayuu raaciyey.

Warka Waare ayaa imanaya xilli ay duulduulayaan warar lagu qabyaaladaynayo dagaalka ay Macawislaydu bilaabeen, iyadoo marar hore DF loogu baaqay inay iyadu gacanta ku hayso taliska dagaalka xitaa haddii ay qabiilladu ka qaybgelayaan.

Hadalsame Media