Sirdoonka Ukraine oo ka war helay dal aan Ruushka ahayn oo weerar kusoo qaadi kara

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – MW Vladimir Putin ayaa dalka Belarusia ku qalqaalinaya inay si furan uga qaybqaataan Dagaalka Ukraine oo ay haatan si dadban ugu jiraan.

Vadym Skibitsky, oo ah afhayeenka Sirdoonka Difaaca ee Ukraine, oo ka hadlayey telefishanka millateriga Ukraine ee lagu magacaabo “Under the Gun,” ayaa warkaa sheegay, sida laga soo xigtey webka rasmiga ah ee Sirdoonka Difaaca ee Ukraine.

“Waxaan aragnaa tillaabooyin uu qaadayo nidaamka Ruushka si loogu khasbo hoggaanka Belarus in uu dagaalka usoo galo si furan,” ayuu yiri.

“Kulamo u dhexeeya MW Vladimir Putin iyo dhiggiisa Alexander Lukashenko ayaa si joogto ah loo qabtaa, halkaas oo arrintan lagaga wada hadlayo Putin-na uu isku dayayo in uu Lukashenko ku qanciyo go’aankan.” Ayuu raaciyey.

“Ilaa hadda, sida laga soo xigtey Sirdoonka Millateriga Ukraine, lix guuto ayaa ku urursan meel u dhow xuduudkeenna, waa guutooyin tikniko ku hubaysan, iyo guutooyin ka tirsan ciidamada cirka gaar ahaan waxa loogu yeero  ciidamada howlgallada gaarka ah.” Ayuu ku dooday.

Skibitsky oo sii wada wuxuu yiri, “Lukashenko wuxuu diyaar u yahay inuu bixiyo wax kasta oo uu haysto, si uu u isticmaalo Ruushku, laakiin weli ma aqbalin in ciidamada qalabka sida ee Belarus aysan si toos ah u galaan dagaalka ka dhanka ah dalkeenna.”

Hadalsame Media