Ruushka oo ka jawaabey hadal sheegaya inuu bedelayo maqaamka Dagaalka Ukraine (Muxuu yahay maqaamka haatan?)

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – Moscow ayaa beenisey wararka xanta ah ee sheegaya inay bedelayso maqaamka dagaalka oo waxa ay ku sheegto howlgalka millateri ee Ukraine dib loo habaynayo oo laga dhigayo olole ka dhan ah argagixisada, kaddib weerarkii Kiev ee buundada Crimea.

Markii wax laga waydiiyey in isbeddel noocan ah la filayo, afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov ayaa wuxuu ku jawaabey: “Hadda, wax go’aanno ah lagama gaarin arrintan.”

Horay waxa uu u sheegay in go’aanka ololaha Ruushka ee Ukraine loogu bedeli karo hawlgal ka dhan ah argagixisada uu kaliya qaadan karo Madaxwayne Vladimir Putin.

Peskov ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax go’aanno ah oo ku saabsan hirgelinta xaalad deg deg ah oo laga fuliyo gobollada Ruushka ee lala beegsaday weerarrada Ukraine toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ruushka ayaa dagaalka uu Ukraine ku qaaday siiya maqaam ka hooseeya mid dagaal toos ah isagoo ku sheega “howlgal gaar ah.”

Hadalsame Media