Qoraal cajiib ah oo ku saabsan marxaladda 1-aad ee ay marto gabadha la furay 24-ka saacadood ee ugu horreeya

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – Habeenkii koobaad oo lagu furay ma dhahday gabadhii kuu shaqaynaysay ”kaalay habaryar ila seexo waan cabsanaahe” ee sariirta halkii uu ninkaagu ka seexan jirey ma isku tuurtay?

Saqda dhexe intaad soo toostay adigoo ay murugo ku hayso oo naxsan ma fiirisay qofka sariirta kuu jiifa oo cajiinku far iyo food ku hallaysan yahay oohin bannaanka ma ula baxday ee adigoo barxadda geedka wayn hoostiisa fadhiya waagi ma baryey?

Talo meel laga gaaro ma joogtid oo saaxiibkaa galabtaba boorsadiisii ayuu la guurey habeen dambena gabar ay qaraabo yibiin ayaa loo guurinaa. Waan ogahay oo adiga miyay kugu dhacday ayaad i dhahaysiin.

Maalintii labaad waqtigii lagu furay ma u yeertay gabadhii shaqalada ahayd oo ma tiri ”maanta laga bilaabo waad fasaxan tahay, sababtoo ah ninkii lacagta dhiibi jirey waan kala tagnay ee iska bax!”

Misna dukaanka ma aaddey adigoo jiitamaya oo raba inaad dayntiisi hore siiso ninka dukaanlaha ah islamarkaana raba inaad tiraahdo iska ilaali wax aan xisaabnayn ciyaalka ha igasoo dhiibin ninki waan is furnay e inuu biil keenayo iyo in kalena lama yaqaanno marka walaalow wax xisaaban uun iigusoo dhiib!

Kaddib kii hiliblaha ahaa hadana masoo martay ee sidii oo kale maku tiri deetana islaanta khudaarta ma u leexatay adigoo daallan xisaab aadan ogayn gooraad qaadatay bixinteed kaddib makuusoo taagtey dhowr xabbo oo cambe ah iyo quraacdii ay saakay derisku u keeneen oo baaquli yar miiska la hoos taal?

Adiga se cunno kaama maqna mana kugu socotee makasoo luudday adigoo socodku ku dhibaayo oo uu mid walba kiilo murug iyo calool xumo ah kugusoo kordhiyey.

Inta aaad xaafada usoo socotey ma xasuusatay dariiqii dheeraa ee uu odaygu soo mari jirey? Markaad guriga timaado ee aad qolka jiifka gasho beer beer ma isugu tuurtay sariirta haddaad ilmayn lahayd aadba nefistide xata oohin makaa imaan waysdey?

Ilmihii markay so galeen iyagoo gaajaysan oo harraadsan ileen dugsigaa lagaso daayee ”iga aamusa afka laydin gooye!” maku tiri waayo mowjad ayaad ku jirtaayoo waxaa ku haya kurbo kugu filan.

FG: Qisadani kama hadlayso gabadha sheekada qortay, balse waa uun qoraal ka hadlaya wax dhacay ama dhici kara.

W; Q: Mullaaxo Sabriye

Hadalsame Media