Maraykanka oo si dadban DF Somalia u faray inaysan hor istaagin tebinta wararka Al Shabaab

0

(Hadalsame) 10 Okt 2022 – Wasaaradda Warfaafinta ee DF Somalia ayaa maalin dhowayd soo saartay amar ku saabsan in warbaahinta maxalliga ihi aanay tebin karin wararka kooxda Al Shabaab.

Yeelkeede, Safaaradda Maraykanka oo arrintan war kasoo saartay ayaa si dadban balse muuqata ugu baaqday in la tebiyo warka AS.

“Xuquuqaha & waajibaadku waxay qeexayaan saxaafadda xorta ah – xaqa ay u leedahay inay soo bandhigto aragtiyaha kala duwan & mas’uuliyadda bixinta xog sax ah,” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

“Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Dowladda Soomaaliya & warbaahinta Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta amniga, taasoo ay ku jirto badqabka suxufiyiinta iyo xorriyaddooda ay u leeyihiin inay wax tebiyaan.” Ayay raaciyeen bayaan ay soo mariyeen Safaaradda.

Hadalsame Media