XOG: Elon Musk bilaabay inuu si qabow u cuuryaamiyo dagaalka ay wadaan Ciidanka Ukraine (Muxuu sameeyey?)

0

(Hadalsame) 08 Okt 2022 – Maqnaanshaha nidaamka isgaarsiineed ee dayax-gacmeeyada Starlink ayaa horseedday “lumitaanka” isgaarsiinta Ciidamada Ukraine xilli ay la dagaallamayeen ciidamada Ruushka, sida uu qorayo Financial Times (FT).

Warkani waxa uu kiciyey walaac ah in Elon Musk laga yaabo in uu meelo ka dhuujiyey adeeggan isaga oo ka jawaabaya dhaleecaynta Ukraine ee qorshihiisa nabada, laakiin maalqabeenka SpaceX ayaa warka wargayska ku tilmaamay “warxumo.”

Musk ayaa wuxuu Ukraine siiyey kumannaan meelood oo ay ka heli karaan khadka Starlink bishii Maarso, isagoo ka caawinaya ciidamada Kiev inay “adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay helaan xogaha sirdoon ee muhiimka ah islamarkaana ay ku xiriiraan maadaama aanu si saaxi ah u shaqaynayn adeeggii internet-ka ee dalkaasi,” sida ay sheegay F.

Yeelkeede, toddobaadyadii la soo dhaafay, markii Ciidamada Ukraine ay qabsadeen dhul ay hore u maamulayeen Ciidamada Ruushka, nidaamyadan ayaa adeegyadii joojiyey marar badan.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Ukraine ayaa u sheegay FT in tani ay keentay “masiibo” dhanka luminta isgaarsiinta ah, taas oo keentay “cabsi baahsan” iyo “wacitaanno argagax leh oo deg deg ah oo ka yimid askar soo wacausa khadadka caawinta,” iyagoo waydiinaya waxa khaldmay.

Elon Musk ayaa beri dhowayd wuxuu Twitter kusoo qoray dhowr qodob oo uu ku sheegay in nabad looga dhalin karo dalka Ukraine laguna joojin karo dagaalka waxaana ka mid ah in afti laga qaado gobollada uu Ruushku qabsaday, in Ukraine ay dhexdhexaad noqoto iyo in Crimea Ruushka loo daayo, taasoo ay ka qaylisay Dowladda Kiev.

Hadalsame Media