“Waa uun bilow” – Ukraine oo markii 2-aad qarax adeegsatey welibana qiratay (Daawo)

0

Qarixii ruxay buundada Crimean subaxnimadii saaka ayaa ah “bilow uun,” sida uu sheegay Laaliyaha Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky, Mikhail Podoliak.

Buundada ayaa la xiray saacadihii hore ee Sabtidan kaddib markii gaari nooca xamuulka qaada ihi uu qarxay, kaasi oo burbur u gaystey wadada, waxaana ka dhashay dab xooggan.

“Crimea, waxaa buundada ka dhacay waa bilowgii,” ayuu Podoliak ku soo qoray Twitter.

“Wax kasta oo sharci darro ah waa in la burburiyaa, wax kasta oo la xado waa in lagu soo celiyaa Ukraine, wax kasta oo Ruushku haysto waa in la eryaa.” Ayuu raaciyey.

Saraakiisha Ukraine ayaa horay u ballanqaaday inay weerari doonaan buundada Crimea, taas oo isku xirta gacanka Ruushku xaf-goostay ee Crimea iyo gobolka Krasnodar ee dalkaaasi, marar badan inta uu socdey dagaalka Moscow iyo Kiev.

Bishii Agoosto, Podoliak wuxuu sheegay in buundada ugu wayn Yurub “ay tahay in la burburiyo” sababtoo ah waa “dhisme sharci darro ah iyo albaabka ugu wayn ee saadka laga siiyo Ciidamada Ruushka ee Crimea.”

Zelensky iyo xubnaha kale ee dowladdiisa ayaa sidoo kale sheegay in Ukraine ay awood u adeegsan doonto dib u qabsashada Crimea, oo si aqlabiyad ah ugu codeysay inay dib ula midoobaan Ruushka kaddib aftidii 2014-ka, sida uu Ruushku sheegto.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media