Donald Trump oo ay dhici karto in mar kale la weeraro hoygiisa Mar-a-Lago

0

(Washington, DC) 08 Okt 2022 – Waaxda Cadaaladda Maraykanka ayaa aaminsan in Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee Donald Trump uu weli hayo dukumentiyo xambaarsan sir culus oo uu leeyahay Aqalka Cad, sida uu qoray New York Times (NYT).

Wargayska ayaa laga soo xigtey in waaxdu ay haatan miisaamayso qorshayaal lagu soo celinayo galalka la filayo inuu ninkani sida gaarka ah u weli u haysto. Ma cadda waxa caddayn ah ee ay waaxdu haysto si ay u taageerto tuhunkeeda.

Wargaysku waxa uu sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Cadaaladdu uu la xiriirey kooxda qarreennada ee Trump difaacaysa toddobaadyadii la soo dhaafay, iyada oo ku wargelisey in saraakiishu ay weli rumaysan yihiin in Trump aanu soo celin dhammaan dukumeetiyadii uu ka qaatay Aqalka Cad dhammaadka muddo xileedkiisa.

Qarreenada Trump ayaa deeto ka dooday sida loo sii wadi doono howlaha, iyadoo qaar ka mid ihi ay soo dhoweeyeen balse ay ku doodeen in loo ogolaado in dhinacyo saddexaad ay baaraan dhismaha Mar-a-Lago ee Trump si loo baaro faylashada la sheegay, qaar kalena waxay ku doodayaan in la iska caabiyo tillaabadan, sida laga soo xigtey NYT, kooxda dambe ayaa badisay oo teedii la qaatay.

Tiro badan oo ka tirsan Booliiska Federaalka ee FBI-da oo hubaysan ayaa baaray Mar-a-Lago bishii Agoosto, iyaga oo ku andacoonaya in Trump uu soo qaatay ilaa 15 sanduuq oo waraaqo sir ah oo uu la tegey Florida.

Hadalsame Media