28.7 C
Mogadishu
Thursday, April 25, 2024
Home Arrimaha Caalamka Sheeko u qaab eg middii Maraykanka oo Sweden ka dillaacday & Hay’ado...

Sheeko u qaab eg middii Maraykanka oo Sweden ka dillaacday & Hay’ado Soomaali ah oo lagu dheggan yahay (Lacagta laga doonayo & Su’aal kale)

0

(Stochkolm) 07 Okt 2022 – Hay’adda Waxbarashada Sweden ee Skolverket ayaa booliska ku asktakaysey saddex hay’adood oo ardayda ka caawiya shaqo-guriga oo aan faa’iido doon ahayn kaddib markii sida ay sheegeen ay ogaadeen in deeqaha dowladdu ay ku baxeen adeegsi gaar ah.

Hadda waxay hay’addu u baahan tahay in dib loosoo celiyo 2.4 milyan oo karoon islamarkaana waxay Hay’adda Waxbarashadu dib u eegis ku samaynaysaa howlahooda shaqo.

“Arrintan si dhab ah ayaanu u eegaynaa, ayuu yiri Jonas Krantz, oo ah Madaxa Waaxeed ka tirsan Hay’adda Waxbarashada.

Horraantii xagaagii 2021-kii, Hay ́adda Waxbarashadu waxay heshay calaamado muujinaya in ururradani aysan bixin caawinaad shaqo-guri inkastoo ay sidaa ku qaayeen deeqo.

Xilligii dayrta ayaa Hay ́adda Waxbarashadu waxay bilawday kormeer qoto dheer oo ay ku samaynayso 30 hay’adood oo farqi wayn u dhexeeyey xogta loo soo gudbiyo Wakaalada Canshuuraha ee Skatteverket iyo xogta loo soo gudbiyo hab-socodka deeqaha dawladda.

Baaritaanka ayaa muujiyey in 23 urur ay khiyaameeyeen deeqahaas, taasoo Altinget ay ahayd tii ugu horreysay ee ka warbixisa.

Saddex ka mid ah ururrada lagu wargeliyey boolisku waa Soomaali waxaana ka mid ah; Ururka Dhaqanka ee RAJO, Ururka Waalidiinta ee Rinkeby iyo Akademiyada Dhallinyarada iyo Dadka waawayn ee gobolka Stockholm.

Waxaana lagu tuhunsan yahay oo lagu haystaa inay si ula kac ah u gudbiyeen xogo iyo xisaabo maaliyadeed oo khaldan iyadoo lacagihii la siiyey ay ku bexeen dano gaar ah, sida uu sheegayo Jonas Krantz.

Sida ay sheegtay Hay’adda Waxbarashada dalka Iswiidan, waxaa la ogaadey in ururradu ay sheegeen in meelo gaar ah ay ku qabanayeen layliyada guriga, balse dhab ahaantii howlo kale ayay ku qabsanayeen, sida dukaamo yar yar, taasoo ay ka wada sinnaayeen 3dan urur ee Soomaaliga ah.

Skolverket ayaa sheegtay inay wax badan ka bedeli doonto qaabka loo bixiyo deeqaha noocan ah, iyadoo hindiseheeda u gudbinaysa xukuumadda xilliga dayrtan.

Hilinka dadwaynaha ee SVT ayaa sheegay inay la xiriireen ururrada la dacweeyey balse jawaab kama helin. Sidoo kale ma cadda sababta 3dan urur oo wada Soomaaliga ah uun loo dacweeyey.

Hadalsame Media