Xannaano carruur ayuu tegey isagoo ku diley 24 carruur ah kahor intuusan gurigiisii tegin oo uusan qoyskiisa laynin

0

(Hadalsame) 06 Okt 2022 – In ka badan 30 qof, oo u badan carruur, ayaa lagu diley weerar loo adeegsadey qori iyo mindi oo ka dhacay xarun carruurta lagu xanaaneeyo oo ku taal woqooyi bari Thailand Khamiistan, sida uu sheegay booliiska degaanku.

36 qof oo ay ku jiraan 24 caruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii lagu xasuuqay iskuul ku yaalla magaalada Uthai Sawan ee gobolka Nong Bua Lamphu ee dalkaasi. Ugu yaraan 12 qof oo kale ayaana ku dhaawacmay shilkaasi, sida ay booliisku sheegeen.

Ninka toogashada u gaystey dadkii ku sugnaa gudaha xaruntan ayaa goobta ka baxsaday, waxaana uu aadey gurigiisa, halkaasi oo uu ku laayey qoyskiisii kahor inta uusan is dilin.

Hay’adaha sharci fulinta ee dalka Thailand ayaa sheegay in ninka falkan gaystey uu ahaa sarkaal hore oo booliis ah oo dhowaan shaqada laga cayriyey.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in ninkaasi shaqada looga rukhseeyey sababo la xiriira maandooriyaha oo uu aad u isticmaalayey, waxaana suuragal ah in xilliga uu weerarkani dhacayey uu sakhraansanaa.

Ninka hubaysan ayaa soo galay xarunta xannaanada carruurta abaaro 12:30 duhurnimo xilliga hurdada indha-guduudsiga ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waxa uu markii hore toogtey 4-5 shaqaale ah oo ay ku jirto macallimad lahayd uur 8 bilood ah, kahor inta uusan weerarin carruurta, sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka degmada, Jidapa Boonsom.

Hadalsame Media