Wiilkii goolka ka dhaliyey Itoobiya oo ka hadlay arrimo badan & Kulanka Tanzania oo uu seegi karo (Dhibic qura ayaa..)

0

(Hadalsame) 06 Okt 2022 – Haddii aad tahay dadka la socda ciyaaraha ama hadal-heynta baraha bulshada Soomaalida, waa hubaal inaad maqashay magaca ciyaartoyga Cabdixafiid Maxamed ama aad aragtay sawirradiisa.

Kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee ay da’doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa Isniintii guul darro 1-0 ah u saarisay xulka dhiggooda ah ee dalka Itoobiya. Goolka guusha waxaa dhaliyay Cabdi Xafiid Maxamed oo lagu naaneyso “Xaafid Januzaj”.

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga hadal-hayay baraha bulshada ee Soomaalida, oo dad badan ay ku bogaadinayeen isaga iyo ciyaartoyda kale ee guusha soo hooyey.

Wareysi gaar ah oo uu Cabdi Xafiid siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu ka shaqeynayo sidii uu waddanka ugu noqon lahaa isagoo kusoo guuleystay tartanka ay usoo baxeen.

Tartankan ay isku arkeen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa “Afcon Under 17 cup of Nations”, waxaana loo qabtaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Taariikh ahaan ka qeyb-galkiisa Soomaaliya waxaa ugu dambeysay 2018-kii, sida uu BBC-da u sheegay Cabdullaahi Maxamuud Xirsi, oo qaabilsan horumarinta dhallinyarada ciyaartoyda ah ee xulka qaranka.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Tanzania ayaa ku wada jira hal qeyb oo ay dhammaantood isku wada arkayaan. Guud ahaan tartankan waxaa ku jira lix kooxood.

Ciyaarta xigta ee Soomaaliya sugeysa waxa ay kula ballansan tahay Tanzania oo ay barbarro oo qura uga baahan tahay.

Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya ee ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa noo sheegay in kaddib guushii ay Itoobiya ka gaareen ay hadda u harsan yihiin saddex kulan oo ka xiga in ay koobka ku guuleystaan.

Macallin Nuur Maxamed Amiin ayaa sheegay in uu rajo aad u fiican qabo, uuna ku kalsoonyahay ciyaartoyda da’da yar ee uu wato.

Waa kuma Cabdi Xafiid Maxamed?

Cabdixafiid Maxamed

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIXAFIID MAXAMED

Cabdixafiid oo hadda 16 jir ah waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay isla Kismaayo, halkaas ayuuna ksoo billaabay xirfaddiisa ciyaaraha, sida uu u sheegay BBC-da.

“Anigoo aad u yar ayaan Kismaayo kasoo billaabay ciyaaraha. Waxaan kasoo billaabay heer xaafadeed, macallinkeyga ayaa igu dhiirrigeliyay inaan ka ciyaari karo ilaa heer qaran, haddana waan gaaray heerkaas,” ayuu yiri.

Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka fiican hiigsaneysa ee ka tirsan kooxda Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Cabdixafiid waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahan xirfad sare leh oo tababareyaashu ay aad u jecel yihiin.

Goolka guusha iyo dabbaaldeg cajiib ah

Cabdixafiid waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay guushii uu gaaray xulka qaranka da’doodu ka yartahay 17-ka sano ee Soomaaliya, taasoo uu isaga sabab u ahaa kaddib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Itoobiya ee kasoo horjeedday.

Markii uu dhaliyay goolka oo ahaa midka keliya ee ay ciyaartaas ku dhammaatay ayuu sameeyay dabbaaldeg ay dad badan su’aalo iska weydiinayeen.

Isagoo ka hadlaya halka uu kasoo min-guuriyay iyo cidda uu uga dayanayay ayuu yiri: “Dabbaaldeggaas waxaan ka arkay Aubameyang iyo Lacazette [ciyaaryahanno ajaanib ah], laakiin markaas ka hor waxaan ka arkay walaalkeey marna saaxiibkeey, Farxaan Xiddig,” ayuu yiri.

Cabdixafiid Maxamed

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIXAFIID MAXAMED

Ciyaaryahankan da’da yar ayaa sheegay in marka laga soo tago tababarka uu macallinkiisa siiyo uu isaga laftiisa sameeyo dadaal u gaar ah oo uu ku hormariyo xirfaddiisa ciyaareed, taasoo ah dabeecad ay wadaagaan xiddigaha ugu waaweyn ee kubadda cagta adduunka.

‘Waxaan u dhaarsanahay Tanzania’

Inkastoo Cabdixafiid uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa lugta ah, haddana waxa uu ku rajo weyn yahay in uu ciyaaro kulanka dhawaan dhex mari doona Soomaaliya iyo Tanzania.

Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay inuu jiro ciil gaar ah oo uu u qabo xulka Tanzania, maadaama ay horay guul darro u gaarsiiyeen Soomaaliya.

“Dhaawac ayaa isoo gaaray balse waxaan wadaa dadaal aan kusoo caafimaadayo, waana rajeynayaa inaan safto kulankaas, kuna soo bandhigo ciyaar ka fiican tii aan la yeelannay Itoobiya, goolal intaas ka badanna ka dhaliyo.

“Waan u dhaarsanahay Tanzania hadda ka hor 2018-kii ayey fiinaal nooga badiyeen, inkastoo aanan xilligaas aniga ciyaareynin waxaa ciyaarayay walaalaheenna. Waxaan rajeynayaa inaan hadda annaga ka aargudanno,” ayuu yiri.

BBC

Hadalsame Media