”Waa go’aan maangaabnimo ah oo Ruushka u hiillinaya” – Maraykanka oo furka ku xooray dalal Sucuudiga & OPEC (Sucuudiga oo jawaabey)

0

(Viena) 06 Okt 2022 – Hogaamiyayaasha OPEC ayaa arbacadii diidey hadallada sheegaya inay hub ahaan u adeegsanayaan tamarta, iyadoo ay Washington ku eedeysay ururka inuu “la safan yahay Ruushka.”

Kooxda OPEC + ayaa ku dhawaaqday inay dhimayso wax soo saarka shidaalka laga bilaabo Nofeembar, si ay wax uga qabato hubanti la’aanta tamarta ee suuqyada adduunka.

“Tamarta miyaad hub ahaan isticmaalaysaan?” ayuu Hadley Gamble oo ka tirsan CNBC waydiiyey Wasiirka Tamarta ee Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz bin Salman, oo shir jaraa’id ku qabtay Vienna, Arbacadii.

“Waa su’aal daandaansi badani ku jiro… oo aan ku faraxsan ahay inaan ka jawaabo, Hadley,” ayuu ku jawaabey Amiir Abdulaziz isagoo su’aasha ku celinaya oo leh. ”I tus meeday falka dagaalku?”

Meesha ay qayladu ka imanaysaa waa in OPEC laga yaabo inay dhinto wax soo saarkeeda oo hadda ah ay dhimaan 500,000 kaasoo ay gaynayso ilaa2 milyan oo fuusto maalintii,una dhiganta 2% baahida adduunka. Waa dhimistii ugu waynayd tan iyo 2020-kii, markii uu Covid-19 dhulka geliyey baahida saliidda adduunka oo dhan.

“Waa iska cadahay in OPEC + ay la jaanqaadeyso Ruushka marka la eego ku dhawaaqisteeda maanta,” ayay ku eedeeysay Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo saxafiyiinta kula hadashay hawada iyadoo saaran Air Force One.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sii daayey bayaan ay soo saareen La-taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan iyo Agaasimaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Brian Deese, kuwaas oo sheegay in Madaxwayne Joe Biden uu “ka xumaaday go’aankan ku dhisan maangaabnimada” ee lagu dhimayo wax soo saarka shidaalka, iyo in Biden uu “kala tashan doono Congress-ka xeelado dheeri ah si loo yareeyo awoodda OPEC ee dhanka xakamaynta qiimaha tamarta.”

Waxaa kasii daran in go’aanka OPEC uu yimid iyadoo Midowga Yurub uu isku diyaarinayey inuu ku dhawaaqo xirmo cusub oo cunaqabatayn ah oo ka dhan ah Moscow, kaas oo la isku dayi lahaa in lagu xakameeyo qiimaha saliidda Ruushka iyada oo loo marayo xayiraado la saaro shixnadaha maraakiibta shidaalka.

Xakamaynta sicirka saliidda Ruushka ayaa waxaa taageeray Maraykanka iyo xulafadiisa G7, waloow uu Ruushku ku tilmaamay wax lagu qoslo in dalal kale ay ka hadlaan sicir u goynta hantidiisa.

Hadalsame Media