Ruushka oo dib u fasaxay gaaskii la siinayey dal wayn oo Yurub ah oo ay Sabtigii ka joojiyeen + Sababta

0

(Hadalsame) 06 Okt 2022 – Sahayda gaaska Ruushka ee Talyaaniga loogu talagalay ee soo marta Austria ayaa dib loo bilaabay Arbacadii shalay, sida ay sheegtay Shirkadda Tamarta ee Ruushka ee Gazprom oo bayaan soo dhigtay kannaalkeeda Telegram, iyadoo horay qulqulka gaaska loo hakiyey iyadoo la adeegsanayo xeerar cusub.

Shirkadda ayaa intaa ku dartay inay ku guulaysatey inay xal u hesho inay dib ugu bilaabaan iibinta gaaska talyaaniga la siinayo, iyada oo uu jiro isbeddel sharci ah oo ka hirgalay Austria, taas oo ku khasabtay LLC Gazprom Export inay joojiso gaaska Sabtidii.

Shirkadda tamarta ee Talyaaniga Eni SpA ayaa xaqiijisay inuu dib usoo laabtay qulqulkii gaasku Arbacadii, iyadoo sheegtay in arrintii taagnayd la xalliyey, sida ku cad bayaan kasoo baxay Eni SpA.

Hay’adda nidaamisa arrimaha kala duwan ee Austria ee E-Control ayaa lafteedu qirtay in xal la helay kaddibna qulqulkii saadka gaaska dib loo fasaxay.

Hadalsame Media