”NATO kuma biiri kartaan” – Ukraine oo runta loo sheegay iyadoo loo raaciyey sababta

0

(Hadalsame) 06 Okt 2022 – Hadafka Ukraine ee ah ka mid noqoshada NATO ayaa la sheegay inaan la xaqiijin karin ilaa inta uu dalkaasi colaad hubaysan kula jiro Ruushka, sida uu sheegay nin xil wayn ka haya Komishanka Midowga Yurub, Thierry Breton.

Isagoo ka hadlayey kanaalka Faransiiska ee BFM Khamiistan, Thierry Breton wuxuu ku tilmaamay khilaafka socda xaalad dilaysa u qalmidda Kiev ee NATO.

Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ayaa mar sii horreeysey codsi u diray NATO, isaga oo ka codsanaya kooxda uu hoggaamiyo Maraykanka ee NATO inay Ukraine siiso maqaam saamaxaya heer musharraxnimo oo deg deg ah.

Si aad u codsato xubinnimada NATO, waa inaadan noqon waddan uu dagaal ka socdo,” ayuu yiri ganacsadahan Faransiiska ah oo sidoo kale ah wakiilka Midowga Yurub ee suuqa maxalliga ah.

“Gelitaanka NATO waxaa la sameeyaa oo qura marka waddamadu ay nabaddoon yihiin” sababtoo ah haddii kale dhammaan isbahaysiga ayay khasab ku noqonaysaa in uu galo dagaalka uu dalkaasi ku jiro.ayuu yiri isagoo dalabka Ukraine ku tilmaamay mid ujeedkaa laga leeyahay.

Ukraine ayaa waxay ku dhawaaqday hadafkeeda istaraatiijiyadeed ee ah ku biirista NATO kaddib afgambigii Maidan ee 2014-kii ee Kiev. 2019, waxaa arrintaa lagu qeexay Dastuurka Qaranka.

Hadalsame Media