Maamulka Puntland oo caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan dagaalka madanigu bilaabay ee ka dhanka ah Shabaab

0

(Garoowe) 06 Okt 2022 – Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhoweeyey oo bogaadiyey kacdoonka shacabka ee dalka ka bilowday ee lagula dagaalamo maleeshiyada Al-Shabaab, kaasoo uu ku baaqay in lagu wada biiro.

“Waxaan runtii halkan baaq uga dirayaa dadka Soomaaliyeed ee hadda bilaabay inay iska saaraan cadowga, waa inay sii xoojiyaan leeskuguna tago,” ayuu soo jeediyey Madaxwaynaha Puntland oo ka hadlayey carwo shaqo, oo uu shalay ka daah-furay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

“Waa in nabadgelyadeenna aan ilaashanno, horumarkeenna aan ka shaqayno. Dalka inaan u soo jeesanno, gacanna amnigiisa inaan uga shaqayno, gacana horumarkiisa aan uga shaqayno, annagoo wadajirna oo isku duuban. Maxaa yeelay xaaladaha dalku marayo waa xaalado adag, oo u baahan in midnimada iyo isku duubnimada aad loo xoojiyo.” ayuu ku baaqay MW Deni.

Warkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay maamullada koonfurta Somalia bilaabeen guluf ay kula shaqaynayaan DF Somalia oo lagula dagaallamayo Shabaabka, waloow aysan weli wax tillaabo ah oo ficil ah qaadin maamullada Puntland iyo Jubaland.

Hadalsame Media