Ninkii gabadha qaxootig ah raacay oo hadda xaaskiisa ka baryaya inuu soo laabto & Jawaabta ay siisay (Xaalad ay gashay)

0

(Hadalsame) 03 Okt 2022 – Tony Garnett ayaa cayriyey islamarkaana booliiska u gacan geliyey Sofiia Karkadym oo ahayd gabar qaxooti reer Ukraine ah oo uu uga soo dal-doorsaday xaaskiisii ay 10ka sano wada joogeen ee Lorna Garnett, 28-jir, sida uu qoray Daily Mail.

Tony ayaa gabadha reer Ukraine ku eedeeyey inay tahay cabtooy daran islamarkaana ay isku dhereriso 2 gabdhood oo ay u dhashay xaaskiisii uu cidlada kaga dhaqaaqay.

Waxa uu ka sheekeeyay sida ay arintu madaxa iskula gashay habeenimadii Sabtidii hore kaddib markii, sida uu ku eedeeyey Sofiia ay dhowr jeer iyada oo u falax-goodinaysa ay mindi ku dhufatay derbiga guri ay kiraysteen kaddib markii ay sakhraantay xili uu u dabbaal degayay dhalashadiisa 30-aad, kaddib 4 bilood oo ay wada joogeen.

Halkan ka aqri sida ay sheekadu kusoo bilaabatay….

FADLAN AAN SOO NOQDO! Isagoo ka hadlayey dhinaca xaaskiisii Lorna markii ugu horreeysey tan iyo markii uu ka tegey, Tony ayaa u sheegay Mail Online: “Waan ka xumahay wax kasta oo dhacay.

“Ma aysan iga mudnayn sidan, weli waan ixtiraamaa oo waxaan u hayaa jacayl iyada sababtoo ah waa hooyada carruurtayda.” ayuu raaciyey waloow uusan jawaab fiican kala kulmin Lorna oo sheegtay inay haatan qaadato dawooyinka diiqadda.

“Waan jeclahay Tony, waan ixtiraamaa, waa aabaha hablahayaga quruxda badan. Laakiin hadda waxaa i hoos taalla howl aad u badan,” ayay tiri Lorna.

“Tani waxay saamaysay caafimaadka dhimirkayga, islamarka ay carruurtu sariirta tagaan oo ay seexdaan, halkan ayaan fadhiistaa oo aan ooyaa oon ooyaa.” ayay raaciyey, iyadoo sheegtay inaysan u diyaarsanayn inay soo celiso.

Hadalsame Media