Dalka Somalia oo kasoo dhex muuqday dharka lagu sameeyo gudaha qaaradda Afrika (Dal kasta & maabkiisa oo…

0

(Hadalsame) 03 Okt 2022 – Qaaradda Afrika ayaa waloow ay tahay midda ugu horumar liidata inta qaaradood ee haatan dunida ka jirta, misna waxay leedahay farsamo iyo wax soo saar soo jireen ah waloow ay si wanaagsan loo hormarin.

Waxaa haatan lasoo bandhigay dharka lagu sameeyo gudaha qaaradda Afrika, nooca ay yihiin nudid iyo naqshad ahaan iyo dalalka sameeya oo khariidadooda lagu dul qoray.

Waxaa ka mid ah dabcan Aliindiga oo lagu sanceeyo dalka Somalia, Suufka Masar, Shemma oo Eritrea ah, Tuareg ama Dawaariiq oo Aljeeriya lagu sameeyo iwm.

Halkan hoose ka arag maabka qaaradda Afrika iyo dal kasta oo lagu dul waray marada uu sameeyo iyo magaceeda.

Hadalsame Media