Ruushka oo muujiyey inuusan u joojin caqabad ay u dhigeen reer Galbeedku & Arrin uu sameeyey + Sawirro

0

(Hadalsame) 02 Okt 2022 – Taangiyada T-80BVM oo la cusboonaysiiyey ayaa ka gudbay imtixaannadii asaasiga ahaa ee dhanka bandhigga ee loo baahnaa. Sidaa darteed, mustaqbalka dhow, waxaa lag qalabayn doonaa cutubyada millateriga ee ciidamada Ruushka, sida ay sheegtay Omsktransmash.

Tani waxay muujinaysaa, in inkasta oo ay dhibaato dalka Ruushka ka haysatey helitaanka qaybo ka mid ah agabka ay adeegsadaan oo hore uga iman jiray dalal shisheeye, in Ruushku uu iminka ku guulaystey inuu ka maarmay.

T-80BVM waa taangiyo si gaar ah uu u dhisay Ruushku waayo wuxuu ku shaqeeyaa matoor gaas ah iyadoo lagu casriyeeyey wershadda Omsk, waxaana naqshadda iska leh islamarkaana dhista shirkadda Omsktransmash oo ah midda samaysa silsiladaha T-80.

“T-80BVM waxay aad u faa’iido badan yihiin marka uu ku shaqaynayo cimilada uu heerkulkeedu hooseeya. Waxaya haatan diyaar u yihiin dagaal, “ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Omsktransmash, Igor Lobov.

Taangiga T-80BVM waa nooca T-80BV oo la casriyeeyey, waxaana loo kordhiyey awoodda dagaal, rasaasta uu sito, hubka ku xiran, gaashaankiisa, hab-dhaqaaqa iyo qori madfac ah oo leh bikaacyo 360 digrii wax ka arkaya, iyadoo ciidamada Ruushka la siinayey tan iyo 2019.

Balse reer Galbeedka oo Ruushka gorodda u suray in ka badan 6,000 oo cunaqabatayn ayaa filayey inuusan soo saari kari doonin taangiyada noocan ah maadaama ay ka jareen agabyada lagu xiro qaarkood.

Hadalsame Media