Nin Soomaalida & Muslimiinta neceb oo loo dhiibey xil muhim ka ah Sweden & Xisbiyo ka qayliyey (Daawo waxa uu sameeyey)

0

(Hadalsame) 02 Okt 2022 – Wada xaajoodkii u socdey xisbiyadii midigta ahaa ee guulaystey ayaa keenay in xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna uu xilal culus ka helo dhowr guddi oo Baarlamaanka qaranka ee Riksdag ka tirsan.

Waxaa xilalkaa ragga qabtay ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda oo uu noqon doono Xoghayaha Guud ee xisbiga SD, Richard Jomshof.

Magacaabida ninkan ayaa se durba wajahaysa dhaleecayn uga timid dhanka xisbiyada sida hoggaamiyaha Xisbiga C ee Annie Lööf.

“Waan ogahay in asxaabtayda isbahaysigu ay muddo sanado badan ah rabeen in ay caadi ka dhigaan xisbiga SD, laakiin in Jomshof uu helo jagadan waa wax cajiib ah marka laga eego aragtideena oo ay mabaadi’da qaanuunku ay hagi jireen,” ayay qortay.

Sidoo kale, Tobias Andersson, oo ah Afhayeenka Siyaasadda dhanka Sharciga ee xisbiga SD, ayaa noqonaya Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga, wuxuuna xilka kala wareegayaa Fredrik Olovsson oo ka tirsan xisbiga Sooshal Dimoqraadiga.

Markii lagu dhawaaqay in xisbiga Sverigedemokraterna (SD) uu Baarlamanka ka qaban doono dhowr xil oo culus kaddib markii ay wada xaajood la yeesheen Moderaterna, Kristdemokraterna iyo Liberaalka, waxaa ka gilgishey xisbiyada bidixda ah.

“Waa arrin cabsi leh,” ayay TT u sheegtay hoggaamiyaha kooxda xisbiga Sooshal dimoqraadiga Lena Hallengren (S).

“Waxaan filayaa in mowjado naxdin lihi ay dhex marayaan bulshada Sweden marka ay tan arkaan.” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Waxaa intaa ka daran in ninkan oo asal ahaan Finland kasoo jeeda uu aad u neceb yahay Islaamka iyo soo galootiga, isagoo hadda kahor Islaamka ku tilmaamay aydholojiyad halis ah.

Sidoo kale, siyaasi Soomaali ah oo lagu magacaabo Kaahin Axmed oo 30 sano deganaa 26 sanana ka shaqaynayey ayuu soo jeediyey in dalka Sweden laga musaafuriyo isagoo kaliya ku maagaya inuu ajnabi iyo Soomaali yahay, sida ku cad maqaal uu qoray Juun 2017-kii.

Lena (S)

Hadalsame Media