”Waa aan ku siiyee isii!” – Midowga Yurub oo qaadaysa tillaabo ay ku dejinayaan xiisadda kala dhaxaysa Ruushka

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2022 – Danjirayaasha Midowga Yurub ayaa laga yaabaa inay dabciyaan xayiraadaha saaran qaar ka mid ah alaabooyinka Ruushka, sida ay werinayso Politico, iyagoo soo xiganaya saraakiil sare iyo diblomaasiyiin.

Danjirayaasha ayaa la filayaa in ay kaga wada hadleen wareeggii sideedaad ee cunaqabataynta saaran Moscow kulan ka bilaabmay Brussels gelinka dambe ee Arbacadii shalay.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa xog laga siin doonaa Guddiga Midowga Yurub xirmada cusub, oo la sheegay in ay ku jiri doonto soo jeedinta xakamaynta qiimaha sicirka ee saliidda Ruushka oo uu aad uga biyo diidey.

Sida uu dhigayo heshiisku, Midowga Yurub wuxuu khafiifin doonaa cunaqabatayntiisa alaabada kale, isagoo si wax ku ool ah meesha uga saaraya xayiraadda maraakiibta sida agabka bacriminta Ruushka, sibirka ama shamiitda iyo badeecadaha kale, saraakiil aan la magacaabin ayaa u sheegay warbaahinta inay tillaabadani tahay. “Aan ku siiyee i sii.”

Intaasoo tan oo bacriminta Ruushka ah ayaa ku xayiran dekedaha Midowga Yurub taas oo ka dhalatay xannibaadaha reer Galbeedka. Horraantii bishan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa wuxuu sheegay in badeecada go’doonsan loo diri karo wadamada soo koraya iyadoo la sii marinayo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan kahortagga gaajada.

Yabooha ah in lagu deeqo qiyaastii 300,000 oo tan oo bacriminta Ruushka ah, oo aan awoodin in ay ka baxaan dekedaha Midowga Yurub, waxaa markii hore ka dhawaajiyey isla Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.

FILE PHOTO: The Lebanese-flagged bulk carrier Brave Commander leaves the sea port of Pivdennyi with wheat for Ethiopia after restarting grain export, amid Russia’s attack on Ukraine, in the town of Yuzhne, Odesa region, Ukraine August 16, 2022. REUTERS/Igor Tkachenko

Hadalsame Media