Somaliland oo sheegtay in shidaal laga helay Sallaxley (Su’aal adag oo arrintaa ka taagan)

0

(Hargaysa) 29 Sebt 2022 – Xukuumadda Maamulka Somaliland ayaa maanta shaacisay in raad shidaal oo hordhac ah laga helay degaanka Baha-Dhamal oo ka tirsan degmada Sallaxley ee maamulkaasi hoos tagta.

Sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Cabdullahi Faarax Cabdi Muuse, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada, goobta shidaalka laga helay waxaa markii hore laga qodayey Ceel Biyood, sida uu yiri.

“Tuulada la yidhaahdo Baha-Dhamaloo ee Sallaxley dhanka Bari ka xigta 8 KM ayaa waxaa naga soo gaaraysa in halkaas laga helay calaamado muujinaya in shidaal ku jiro,” ayuu yiri Wasiirku.

“Waxa meeshaas laga qodayey riig ceel biyood ah oo wasaarada biyuhu ay ka qodaysey, balse markii la marayey 340 mitir ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, waxaana laga helay saddex calaamadood oo uu shidaalku yeelan karo.” ayuu raaciyey.

Waxaa kale oo uu intaa raacshey inay wadaan baaris rasmi ah oo la xiriirta arrintaasi, iyada oo baaritaannada hordhaca ihi ay sheegayaan in goobtaasi uu ku duugan yahay shidaalku, sida uu sheegay.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa horay ugu sugnaa shirkado shisheeye oo dhowr jeer sahmin shidaal ka sameeyey, hase yeeshe tani waa markii u horreeysey ee la sheego in si aan lasii qorshaynin looga helay shidaal goob aan hore loo calaamadin.

Ha yeeshee, waxa ay su’aali ka joogtaa sida riig loogu tala galay in ceel biyood lagu qodo uu saliid usoo saari karo maadaama aysan isku lakab ahayn biyaha (water table) iyo saliiddu, sidoo kalena aan isku qalab lagu baarinba.

Hadalsame Media