Dood kulul oo ka taagan wiil Soomaali ah oo lagu toogtey Maraykanka & Waxa uu sameeyey (Tillaabo ay booliisku qaadayaan)

0

(Phoenix) 29 Sebt 202 – Cali Cismaan oo ah nin Soomaaliyeed oo 35 ah oo ku nool magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa dhagaxaan ku tuuray gaari ay wateen Ciidamada Booliska Axadii lasoo dhaafay.

Askari kasoo baxay goobta uu shilku ka dhacay, ayaa ka degay gaarigiisa, waxaana la sheegay in Cismaan uu ku amray inuu dhagxaanta joojiyo.

“Hal dhagax ayuu tuuray, [balse] markii uu shakhsigu isu diyaarinayey inuu tuuro dhagaxa labaad, markaas ayay dhacday toogashada uu askarigu gaystey,” ayuu yiri Brian Bower oo ka tirsan Waaxda Booliiska Phoenix oo la hadlay Fox 10 News.

Sarkaalka ayaa la sheegay in uu dhowr xabadood ku dhuftay Cismaan. Dhaawaca ninkan ayaa loo qaaday isbitaalka halkaasi oo uu ugu geeriyoodey dhaawacii soo gaarey.

Qoyskiisa ayaa warbaahinga gudaha u sheegay in Cismaan uu la tacaalayey xanuunka dhimirka, kaas oo laga dawaynayey. Cismaan sidoo kale ma lahayn wax diiwaan dembi ah, sida ay xubnaha qoysku yiraahdeen.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Gobolka Arizona ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in ay aad uga xun yihiin inay maqlaan geerida Cusmaan.

Sawirada kaamirooyinka jirka ayaa la sii dayn doonaa 14 maalmood gudahood, sida ay sheegtay Waaxda Booliska Phoenix oo bayaan soo saartay, waxaana dhacdada hadda ku socota baaritaan.

Dhanka kale, Jaaliyadaha Madow iyo Muslimiinta Phoenix ayaa sheegay inay falkan ka xanaaqeen oo ay ka qalbi jabeen, iyagoo in dhagax la tuuray xabbado nool looga jawaabo ku mitaalay jawaab ka badbadin ah oo u dhiganta waxa ay Israel ku hayso Falastiin.

Hadalsame Media