Xog rasmi ah oo kasoo korortay dhuumaha Nord Stream (Maxaa lagu arkay goobaha liigaya?)

0

(Hadalsame) 27 Sebt 2022 – Saynisyahanada Danmark iyo Sweden ayaa diiwaangeliyay inay qaraxyo ka dhaceen biyaha hoostooda meel u dhow tubbooyinka Nord Stream, markaasoo la soo sheegay dhowr meelood oo ay ka liigayaan dhuumuhu.

Fal kharbudaad ah in lala beegsaday ayaa hadda la tuhunsan yahay inay tahay sababaha ugu muhiimsan ee burburka dhacay.

“Shaki kuma jiro inay waxani ahaayeen qaraxyo,” ayuu yiri seismologist Bjorn Lund oo ka tirsan Xarunta Qaranka Sweden ee cilmiga dhul-gariirka iyo ifafaalaha la xiriira (SNSN) oo u warramay warbaahinta dadwaynaha ee SVT.

Millateriga Denmark ayaa isna sii daayey muuqaal hawada laga soo duubay oo muujinaya meelo waawayn iyo xumbo ka muuqaya biyaha dushooda

Nord Stream 1 waxaa soo gaarey labo liig dhanka woqooyi-bari ka xigta jasiiradda Danish-ka ah ee Bornholm.

Halka Nord Stream 2 uu dhaawac soo gaarey qayb marta koonfurta Dueodde, oo ah xeeb ku taal cirifka koonfureed ee jasiiradda, sida ay ciidamadu sheegeen.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments