”MW Xasan mid buu diyaar noola yahay” – MW Kenya oo markii ugu horreeysey ka hadlay sida uu ka yeelayo dhul-badeedka ay Kenya sheeganayso

0

(Nairobi) 27 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Kenya ee William Ruto ayaa markii ugu horreeysey tan iyo markii la doortay ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka badda ee ay Kenya ku sheeganayso dhul-badeedka Soomaaliya, kaasoo ay horay u go’aamisey Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Madaxwayne Ruto, oo dhowaan intii lagu jirey munaasabaddii caleema-saarkiisa kulan la qaatay MW Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku doodaya inay ballameen labada dhinac, balse howlo kale la hormarinayo haatan.

”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay Madaxwayne aan la hadli karno. Madaxwayne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqaynayaa sidii uu u burburin lahaa xag-jirnimada xooggaa wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto oo waraysi siinayey BBC.

”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ihi mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xalinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna,” ayuu raaciyey Ruto oo sharraxaya wax ay Kenya u sawirayso muran u dhexeeya labada dal oo soo jireen ah.

Ruto waxa uu kale iska muddeeyey moowduucan isagoo xusay in waqtigan aan loo baahnayn in laga hadlo ”muranka xadka ee labada dal” oo aan waqtigiisii la joogin, sida uu qabo.

”Ma rabo inaan galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.” ayuu ku qiil samaystay.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskan oo soo taxnaa tan iyo muddo-xileedkii hore ee Xasan Sheekh oo isagu Maxkamadda geeyey Agoosto 2014-kii, waxay go’aamisey 12-kii Oktoobar 2021-kii.

Kenya oo uu xilligaa xukumayey Madaxwaynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa se ku gacan sayray go’aanka maxkamadda oo uu ku tilmaamay mid aanu dalkiisu aqoonsanayn.

Hadalsame Media